Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Anfield Oo Hal Mar Ruxmay Kaddib Darbad Uu Kabtan Jordan Henderson Ku Tuuray Goolka Arsenal, Fal Celintii Xiddiga & Erayadii Ay Ku Heeseen Jamaahiirta Liverpool.

Anfield Oo Hal Mar Ruxmay Kaddib Darbad Uu Kabtan Jordan Henderson Ku Tuuray Goolka Arsenal, Fal Celintii Xiddiga & Erayadii Ay Ku Heeseen Jamaahiirta Liverpool.

Liverpool ayaa halkeeda kasii wadatay bandhigyada cajiibka ah ee ay xilli ciyaareedkan ka samaynayso horyaalka Premier League, Waxa ay guul weyn kusoo xidheen sanadkan dhammaadka ah ee 2018 iyaga oo 5-1 dhulka ku jiid jiiday dhigooda Arsenal.

Liverpool ayaa kulankaas ku heshay faa’ido hoggaan sagaal dhibcood ah kaddib guuldarro aan la filayn oo ay Tottenham kala kulantay Wolves halka Manchester City ay kulankeeda 20-aad goor dhaw la dheeli doonto Southampton.

Marka laga yimaado in Ainsley Maitland-Niles uu gool u dhaliyay Gunners daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta, Reds ayaa qaybta horeba lahaa hogaan 4-1 ah iyaga oo ugu dambayn 5-1 ku adkaaday xilli Roberto Firmino uu markale dhibaateeyay Arsenal isla markaana uu saddexley shabaqooda geeyay.

Haddaba, Tababare Klopp oo dhawr xiddig hore garoonka uga saaray si ay ugu nastaan kulanka culus ee Man City ayaa bedelkii ugu horreeyay kusoo geliyay Jordan Henderson oo ah kabtanka rasmiga ah ee kooxda gobolka Merseyside.

Henderson oo garoonka ku jiray mudo 30 daqiiqo ah ayaa isku dayay inuu cajab galiyo tababarihiisa kahor kulanka ugu muhiimsan xilli ciyaareedkooda ee ay booqan doonaan Man City, Laakiin isku daygaas ayaa ah mid adkaa isaga oo la kulmay wakhti kale oo adag.

Xilli kulanka ka hadhsanaayeen 5 daqiiqo, Goolhayaha Arsenal ee Leno ayaa kubada tuuray balse waxa ay u tagtay Hendo oo meel 35 yard ah u jiray goolka, Xidigii hore ee Sunderland ayaa isku dayay inuu gantaal toos ah ku celiyo Leno balse kubadda ayaa cirka u baxday.

Intaa kaddib jamaahiirta Reds ayaa markaliya jaanta isla helay iyaga oo ku heesay “Maxaa baas ee uu ahaa waxaasi?” Henderson ayaana ku qasbanaaday inuu gacmaha kor u taago isaga oo cafis dalbanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*