Home » CAYAARAHA CAALAMKA » “Anigu Lama Hadal, Laakiin Wuu Yaqaanaa Halka Layga Helo” – Pep Guardiola Iyo Kevid de Bruyne Oo Khilaaf Ka Dhex Curtay

“Anigu Lama Hadal, Laakiin Wuu Yaqaanaa Halka Layga Helo” – Pep Guardiola Iyo Kevid de Bruyne Oo Khilaaf Ka Dhex Curtay

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City, Pep Guardiola ayaa sheegay in aanu muddo la hadal laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxdiisa ee Kevin de Bruyne oo la sheegay inuu tirsanayo dhibaato.

Kaddib ciyaartii tartanka Carabao Cup ee City ay 9-0 ku burburisay Burton Albion ayaa waxa soo baxay warar sheegay in xiddiga reer Belgium ee De Bruyne aanu faraxsanayn, waxaana wejigiisa laga dareemayey cadho badan markii uu maqlay magaciisa oo looga dhawaaqayo dhinaca beddelka, isla markaana uu taagan yahay da’yarka Phil Foden qaybtii dambe oo wax uun socotay.

De Bruyne oo dhaliyey goolka koowaad ee horseedka ka noqday daraasiinta goolasha ah ee kooxdiisu dhalisay, waxa uu sameeyey falcelin aanu afka ka odhanin, laakiin dareen ahaan uga muuqanaysay, waxaanay warbaahintu tibaaxday inuu jiro khilaaf u dhexeeya macallinkiisa.

Haddaba tababare Pep Guardiola ayaa la weydiiyey waxa uu ka ogyahay arrinta De  Bruyne iyo inay jirto dhibaato haysata, sidoo kalena ay xidhiidh joogto ah leeyihiin, waxaanu ku jawaabay: “Haddii ay dhibaato  jirto, wuu yaqaanaa halka layga helo.”

Isaga oo su’aashan jawaabteeda sii wata, waxa uu Pep sii raaciyey: “Anigu lamaan hadal, kamana hadli karayo waxa uu ka fikirayo sababtoo ah, maba garanayo.”

27 jirkan u dhashay waddanka Belgium oo kasoo laabtay laba dhaawac oo jilibka ah, ayaa waxa uu dareensan yahay  in booskiisii aanu helin, waxaana ka cadhaysiiyey rikoodhkiisa ah in kulankii lixaad la saaray qaybta dambe oo aan wax badan soconin.

Bishii December, ayaa xilli uu tababare Pep Guardiola beddelay qaybta labaad laacibkan, waxa uu ku dooday inuu daallan yahay oo uu xili ciyaareedkii hore saftay 52 kulan, laakiin De Bruyne oo isagana la weydiiyey inuu daalan yahay ayaa sheegay in ay arrintaasi been tahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxay arrimahani muujinayaan inuu jiro khilaaf u dhexeeya De Bruyne iyo tababarihiisa Pep Guardiola.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*