Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Barcelona Oo Camp Nou Ku Dubatay Kooxda Leganes, MSD Oo Shabaqa Soo Wada Taabtay Iyo Ousmane Dembele Oo Dhaawc Xanun Badani Soo Gaadhay.

Barcelona Oo Camp Nou Ku Dubatay Kooxda Leganes, MSD Oo Shabaqa Soo Wada Taabtay Iyo Ousmane Dembele Oo Dhaawc Xanun Badani Soo Gaadhay.

Barcelona ayaa Camp Nou ku dubatay kooxda Leganes oo iska caabin xoogan kala hortimid waxayna Barca soo ceshatay shantii dhibcood ee ay hogaanka La Liga ku haysay. Ousmane Dembele oo kulankan dhaawac xanuun badan looga saaray ayaa dhaliyay goolka furitaanka ee ay Blaugrana hogaanka ku haysay qaybtii hore.

Laakiin kooxda leganes ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay qaybtii labaad balse Luis Suarez iyo Lionel Messi oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa saddex dhibcood oo dhan farta ka saaray Valverde kadib markii ay min hal gool dhaliyeen.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
LEGANES XI (5-2-3): Ivan Cuellar; Allan Nyom, Rodrigo Tarin, Kenneth Omeruo, Dimitrios Siovas, Jonathan Silva; Mikel Vesga, Recio; Martin Braithwaite, Oscar Rodriguez, Youssef En-Nesyri.

Kaydka: Gerard Gumbau, Vasyl Kravets, Nabil El Zhar, Andriy Lunin, Juanfran, Michael Santos, Javier Eraso.

BARCELONA XI (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Jordi Alba, Thomas Vermaelen, Gerard Pique, Sergi Roberto; Arthur, Sergio Busquets, Carles Alena; Philippe Coutinho, Luis Suarez, Ousmane Dembele.

Kaydka: Lionel Messi, Nelson Semedo, Ivan Rakitic, Malcom, Jasper Cillessen, Arturo Vidal, Jeison Murillo.

Barcelona ayaa qaybtii hore ee ciyaarta dhibaato difaacasho badan ah kala kulantay kooxda leganes soo shaqo wayn ka qabtay qaabkii ay ku joojin lahayd weerarka Barca laakiin kooxda martida loo ahaa ee Barca ayaa haddaba awooday in ay qaybtii hore heshay goolka ay hogaanka ku haysay.

Daqiiqadii 32 aad Ousmane Dembele ayaa noqday xidiga jabiyay ismari waagii ciyaarta iyo difaacashadii adkayd ee ay Leganes muujisay kadib markii uu kubbad caawin ka helay Jordi Alba oo kubbad soo daba mariyay difaaca Leganes wuxuuna Dembele ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Barca hogaanka kula wareegtay.

Dembele ayaa ahaa xidiga jamaahiirta Camp Nou sida layaabka leh u maaweelinayay qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo farsamooyin iyo dhaq dhaqaaqyo cajiib ah ku dhibaateeyeey ciyaartoyda kooxda Leganes oo garan waayay qaabkii ay ku joojin lahaayeen.

Laakiin qaybtii hore ee ciyaarta Barcelona ayaa weerar ahaan u liidatay inkasta oo Coutinho iyo Suarez ay lumiyeen fursado ay goolal kale ku dhalin kareen laakiin kooxda Leganes ayaan qaybtii hore wax shaqo ah ka qaban in ay weerar gasho.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Barca hogaanka ku haysay balse ay Leganes sugaysay fursad ay ciyaarta ugu soo laabto halka ay shaqada ugu badan difaac ahaan u hayay.

Daqiiqadii 57 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta Leganes ayaa sidii uu qorshaheedu ahaa heshay fursad weerar deg deg ah waxaana kubbad halis ah dhinaca midig ku helay Y. En-Nesyri kaas oo caawin ka sii helay Alba oo ku fashilmay in uu kubbada joojiyo laakiin M. Braithwaite ayaa Pique ka hor qaatay kubbada si uu u dhaliyo goolka barbaraha ee Leganes.

Ciyaarta ayaa noqotay barbaro 1-1 ah wuxuuna Valverde markan amray in Lionel Messi uu isku kululeeyo waxayna Barca sii waday in ay raadiso goolkeeda labaad laakiin daqiiqadii 64 aad Valverde ayaa ciyaarta hal mar soo wada galiyay Lionel Messi iyo Ivan Rakatic wuxuuna saaray Carles Alena iyo Arthur Melo.

MUSIIBO DHAAWAC: Daqiiqadii 69 aad Xidiga garoonka iftiiminayay ee Ousmane Dembele ayuu dhaawac xanuun badani soo gaadhay isaga oo muddo garoonka dhex jiifay isla markaana awooday waayay in uu sii wadan karo ciyaarta waxaana booskiisa la soo galiyay Malcom.

Iyada oo Barcelona waqti mashquul badan galaysa isla markaana laba kulan oo Copa Del Rey ah la ciyaari doonta Sevilla ayuu Dembele soo gaadhay dhaawac canqowga lugtiisa bidix ah kadib markii uu si xun iskugu dhacay wuxuuna Valverde sugi doonaa warka uu ka heli doona xaalada Dembele.

Daqiiqadii 71 aad Luis Suarez ayaa kooxdiisa Barcelona u  dhaliyay goolka labaad kadib markii uu ka faa’iidaystay kubbad uu Lionel Messi ku darbeeyay goolka Leganes oo uu markii hore joojiyay goolhaye Cuellar laakiin Suarez ayaa markii uu goolkan dhaliyay waxa uu sii jiidhay isla markaana uu lugta ku dhugtay goolhayaha Leganes ee Cuellar waxayna ciyaartoyda Leganes ku doodeen in goolkan la diido.

Laakiin garsooraha ayaa meel fiican oo toos ah u taagnaa dhacdadan balse sidoo kale muuqaal caawiyaha garsoorka VAR ayaa taageeray in go’aanka uu garsooruhu goolkan ku tilmaamay ahaa mid sax ah iyada oo Suarez aanu kubabda darbayn iyada oo gacmaha ugu jirta Cuellar waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Barca hogaanka ku soo ceshatay.

Daqiiqadii 90+2 aad Lionel Messi ayaa gool qurux badan ugu quus gooyay kooxda Leganes oo raadinaysay in ay markale ciyaarta ugu soo laabto goolka barbaraha laakiin Messi ayaa goolkan ku dhaliyay lugtiisa midig isaga oo waliba qaab qurux badan ugu dhamaystiray inta uu lugta bidix ku joojistay kadib markii uu caawin ka helay Jordi Alba oo uu markii hore kubbad halis ah u sii bixiyay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 18 aad ee uu Lionel Messi xili ciyaareedkan ka soo dhaliyay horyaalka La Liga isaga oo sii dheeraysatay hogaankii uu markii horeba hayay waxa kale oo uu goolkani ahaa goolkii 8 aad ee uu Leganes kaga soo dhaliyay 6 kulan  oo uu ka hor yimid.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Barcelona guul kaga gaadhay Leganes laakiin saddexda dhibcood ee kulan ayaa Barcelona ku kacay qiimo wayn oo ah in ay Dembele ku waayeen kaas oo uu dhaawac soo gaadhay awgeed halis ugu jira in uu muddo garoomada ka maqnaan doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*