Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Chelsea, Man United & Arsenal Oo Helay War Kale Oo Aad Ugu Fiican Iyo Tottenham Oo Musiibo Heer Kale Ah La Kulantay. Kaalinta 3 & 4-Aad Oo Saddexdan Kooxood U Dhexayn Kara.

Chelsea, Man United & Arsenal Oo Helay War Kale Oo Aad Ugu Fiican Iyo Tottenham Oo Musiibo Heer Kale Ah La Kulantay. Kaalinta 3 & 4-Aad Oo Saddexdan Kooxood U Dhexayn Kara.

Kooxda Tottenhama ayaa warbixin caafimaad ka soo saartay dhaawicii soo gaadhay xidiga kooxdeeda ee Dele Alli wuxuuna noqday war gilgilay jamaahiirta kooxda Spurs isla markanaa musiibo hor leh ku abuuray kooxda kaalinta saddexaad ee Premier league ku jirta ee Tottenham.

Laakiin xaalada waalida ah ee ay Tottenham gashay waxay faa’iidadii ugu waynayd u noqon kartaa kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Manchester United oo kaalinta saddexaad ilaa afraad si buuxda ugu tartami doona haddii sida la filayo in ay Tottenham u socon kari waydo qaabkii ay kaalinta saddexaad ugu soo jirtay.

Tottenham waxaa hore dhaawac waqti dheer ah kaga maqnaa Harry Kane, waxaana sidoo kale dhaawac kaga maqan Lucas Moura halka ay dhawaan iibiyeen  Mousa Dembele kaas oo 11 milyan gini ugu biiray kooxda Chinese Super League ee Guangzhou R&.

Laakiin sidoo kale Tottenham waxaa ka maqan xidiga xulka qaranka South Korea koobka qaramada Asia ku matalaya ee Son Heung-min. Waxayna hadda u muuqataa in Tottenham ay lumisay gabi ahaanba ciyaartoydii weerarka u ahaa ee kaalinta saddexaad soo gaadhsiiyay.

War saxaafadeed Tottenham ka soo baxay ayaa lagu shaaciyay in Dele Alli uu garoomada ka maqnaan doono ilaa horaanta bisha March, waxayna isku waqti soo laaban doonaan Harry Kane laakiin Tottenham oo aan sanadihii la soo dhaafay suuqa wax lacag ah galin isla markaana ku mashquulsan sidii ay u dhamaystiri lahayd garoonkeeda White Hart Lane, ayaa musiibo xoogan dhexda kaga jirta.

Haddii markii hore ay kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Manchester United ku tartamayeen kaalinta afraad, hadda waxay u muuqataa in ay haystaan fursadii ugu fiicnayd ee ay xataa kaga fikiri lahaayeen kaalinta saddexaad waxayna Tottenham gashay musiibo ayna koox kale oo wayni xili ciyaareedkan soo marin.

Kulamada ay Harry Kane iyo Dele Alli Sida Wada Jirka Ah Uga Maqnaan Doonaan Tottenham

Chelsea (Marti) EFL Cup
C. Palace (Marti) FA Cup
Watford (Minan) Premier league
Newcastle (Minan) Premier league
Leicester (Minan)  Premier league
Dortmund (Minan)  Champions league
Burnley (Marti)  Premier league
Chelsea (Marti)  Premier league
Arsenal (Minan)  Premier league
Dortmund (Marti) Champions League

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha kooxda Tottenham ee Pochettino ayaa wajahaya madax xanuunkii ugu xumaa tan iyo markii uu shaqada Spurs qabtay waxaana la filayaa in Tottenham ay aad ugu adkaan doonto in ay kaalinta saddexaad sii xejisan karto iyada oo hadda shaki xoogan la galin karo in ay xataa kaalinta afraad ku dhamaysan karaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*