Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Ciyaartoyda Real Madrid Oo Abaalmarin Ahaan Loo Siin Doono 70 Milyan Euro Ka Dib Guulihii Ay Gaareen Xilli Ciyaareedkii La Soo Dhaafay
Real Madrid's Spanish defender Nacho Fernandez celebrates holding the trophy at Cibeles square in Madrid on May 27, 2018 after Real Madrid won their third Champions League title in a row in Kiev. / AFP PHOTO / BENJAMIN CREMEL

Ciyaartoyda Real Madrid Oo Abaalmarin Ahaan Loo Siin Doono 70 Milyan Euro Ka Dib Guulihii Ay Gaareen Xilli Ciyaareedkii La Soo Dhaafay

Xilli ciyaareedkii 2017-18 waxa uu Real Madrid u ahaa mid guul ah iyadoo kooxaha ay qaaday lix koob, afar ay qaadeen kooxda kubada cagta iyo labo ay qaadeen kooxdooda kubada kolayga.

Guulaha isboorti ee ay gaareen ayaana haatan lagu abaalmarin doonaa dhaqaale ahaa.

Hogaamiyayaasha Los Blancos ayaa dib u eegay buugooda xisaabta, waxaana ay go’aansadeen inay 70 milyan euro abaalmarin ahaan u siiyaan ciyaartoydii guulaha gaaray.

Inta badan lacagta oo gaareysa 55 milyan euro waxaa la siin doonaa ciyaartoyda kubada cagta oo ku guuleystay afar koob oo kala ah: Supercopa de Espana, UEFA Super Cup, Club World Cup iyo Champions League.

Kabtanka kooxda Sergio Ramos ayaa wadahadal la galay madaxweyne Florentino Perez iyo agaasime Jose Angel Sanchez isagoo ku qanciyay in ciyaartoyda la siiyo lacag abaalmarin ah mar kasta oo ay hantaan in ka badan hal koob xilli ciyaareedkii.

Kubada Kolayga dhanka kale ayaa sidoo kale ku riyaaqday sannad guulo ah iyagoo hantay koobabka Euroleague iyo ACB iyadoo ciyaaryahan walba uu helay hal milyan euro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*