Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Cristiano Ronaldo Oo Tilmaamay Khaladaadkii Juventus Ee Sababta U Noqday In Parma Ay 3 Gool Kaga Dhaliso Garoonkeeda

Cristiano Ronaldo Oo Tilmaamay Khaladaadkii Juventus Ee Sababta U Noqday In Parma Ay 3 Gool Kaga Dhaliso Garoonkeeda

Cristiano Ronaldo ayaan ku faraxsanayn natiijadii barbar-dhaca ee kooxdiisa Juventus ay xalay la gashay naadiga yar ee Parma oo dagaal xilli dambe ay galeen kula barbarreeyey.

Juventus oo toddobaadkii horena ka hadhay tartanka Copp Italia ayaa waxay xalay martigelisay Parma, waxaana mar ku hoggaaminaysay 3-1, hase yeeshee halyeygii reer Ivory Coast ee Gervinho ayaa laba gool oo degdeg ah, isla markaana qurux badan ka dhaliyey xili dambe, waxaana ay Old Lady garoonkeeda Allianz Stadium ku diiwaangashatay rikoodhkii ugu liitay xili ciyaareedkan.

Ronaldo oo dhaliyey laba ka mid ah goolasha Juventus, ayaa waxa uu niyad jab ka muujiyey natiijadan, waxaase uu dhinaciisa ka caddeeyey inuu ku faraxsan yahay goolashiisa.

“Waan ku faraxsanahay goolasha aan dhaliyey, laakiin natiijada maya.” Sidaas ayuu yidhi Ronaldo oo u warramay DAZN.

“Daqiiqadihii u dambeeyey ayaanu hoos u dhacnay, waxanay Parma ka faa’iidaysatay khaladaadkayagii.”

Ronaldo waxa uu sheegay in aanu ka fikiraynin natiijooyinkan u dambeeyey, sababtoo ah culayska shaqooyinka badan ee ay qabtaan, waxaanu yidhi: “Kama fikirayo natiijooyinkii u dambeeyey sababtoo ah shaqooyinka badan ee noo yaalla. Waanu degganahay, mana werwersani.

“Waxa aanu ku kalsoonahay awooddayada xili ciyaareedkan, farsamada tayadayada iyo sidoo kale tababaraha iyo shaqaalaha.”

Juventus ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyey aan wax guul ah arag, waxaana Arbacadii karbaashtay Atalanta. oo ka reebtay Coppa Italia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*