Home » ARIMAHA BULSHADA » DHACDO NAXDIN LEH :- Gabar Sun ay Cabtay Ugu Geeriyootay Degmada Yaaqshiid Kadib Markii Uu Buuq Dhanka Qoyska La Kulantay.

DHACDO NAXDIN LEH :- Gabar Sun ay Cabtay Ugu Geeriyootay Degmada Yaaqshiid Kadib Markii Uu Buuq Dhanka Qoyska La Kulantay.

Fal argagax leh ayaa caawa laga soo sheegayaa Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyadoo maalmahan ay sii kordhayaan dhacdooyinka naxdinta leh ee ka dhacaya Muqdisho.

Shukri C/laahi Raagge oo daganayd Xaafadda Juungal ee Muqdisho ayaa geeriyootay caawa, kadib markii ay cabtay Sun.

Ehelada Marxuumada ayaa xaqiijiyay falka dhacay inuu salka ku haayo arrimo buuq qoys la xiriira, kadibna gabadha sidaas ay ku cabtay Sunta.

Isbitaalka ayaa loola cararay markii ay sunta cabtay, balse waxaa la sheegay in isbitaalka gudihiisa ay ku dhimatay oo dhaqaatiirta ay badbaadin waayeen.

Sidoo kale dhacdadaan waxaa xaqiijiyay Taliyaha Saldhiga Degmada Yaaqshiid oo sheegay warbixinta ay hayaan inay tahay gabadhaasi inay sun cabtay, kadibna ay u geeriyootay.

Gabadha Sunta Cabtay, kadibna geeriyootay ayaa waxa ay walaalo yihiin gabar lagu magacaabo Iqro ladan oo Saxafiyad ah taasi oo ka hawlgeli jirtay Magaalada Jowhar.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*