Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Difaac Iyo Weerar Midna Waxba Kuma Tarayo-Rio Ferdinand Oo Burburiyay Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Chelsea Ugu Muhiimsan Kadib Guuldaradii Arsenal.

Difaac Iyo Weerar Midna Waxba Kuma Tarayo-Rio Ferdinand Oo Burburiyay Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Chelsea Ugu Muhiimsan Kadib Guuldaradii Arsenal.

Kooxda Chelsea ayaa xalay guuldaro xanuun badan kala soo laabtay Arsenal waxayna guuldaradaasi murugo badan ku abuurtay Maurizio Sarri oo si qaawan u qirtay in ay adag tahay in uu sare u soo qaado mooraalka iyo niyada ciyaartoyda kooxdiisa waana hadal si wayn u damqay jamaahiirta Blues laakiin waxaa jiray dhawr ciyaartoy oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday.

Khabiirka BT Sport ahna halyaygii hore ee kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa eedayn wayn u soo jeediyay xidiga amaanta badan horaantii xili ciyaareedkan la soo kulmay ee Jorginho kaas oo ku duray qaab ciyaareedkii liitay ee uu Emirates Stadium kala soo muuqday.

Rio Ferdinand ayaa Jorginho ku eedeeyay in aanu lahayn hal abuur uu goolal ku caawin karo isla markaana aanu ku fiicnayn difaacashada taas oo ah labada arimood ee ugu muhiimsan ee ay ciyaartoyda khadka dhexe kooxahooda u qabtaan.

Rio Ferdinand ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Jorginho uu xili ciyaareedkan bixiyay in ka badan 2000 kun oo baas balse aanu hal gool caawin samayn, wuxuuna ku dooday in kulankii Arsenal ay ciyaartoyda khadka dhexe ee Gunners dul ordeen iyada oo gaar ahaan Aaron Ramsey uu ahaa xidiga hawda ka qariyay Jorginho.

Rio Ferdinand oo ugu horayn isaga oo shaqada Jorginho ka hadlaya waxa uu yidhi: “Jorginho waa qof kaas oo dhiga heerka ciyaarta, waxaad u soo helaysaa isaga kubbada ee booska saddexaad ee khadka dhexe ee garoonka, aad ayuu ugu fiican yahay”.

Laakiin Ferdinand ayaa su’aal galiyay caawin la’aanta Jorginho ee kooxdiisa wuxuuna yidhi: “Imisa gool caawineed ayuu isagu sameeyay xili ciyaareedkan? ilaa 2000 kun baas ma jiro wax gool caawin ahi. Isagu ma aha difaacde fiican, mar kale kulan sidan oo kale ah oo ka dhan ah koox wayn, isaga khadka dhexe ayaa lagu dul orday. Isagu ma ordi karo”.

Ugu danbayn Rio Ferdinand ayaa si cad Jorginho ugu eedeeyay in aanu kooxdiisa siin karin difaacasho fiican isla markaana aanu gool caawin u samayn wuxuuna yidhi: “Sidaa daraadeed, isagu kuma siin karo wax difaacasho ah isla markaana isagu kuma siin karo wax dhinaca kale ee garoonka ah”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*