Home » ARIMAHA BULSHADA » Dowlada Norway Oo Somaliya Ku Soo Celinaysa 1,600 Qaxooti ah Kadib Markii La Sheegay i ney….

Dowlada Norway Oo Somaliya Ku Soo Celinaysa 1,600 Qaxooti ah Kadib Markii La Sheegay i ney….

Kooxaha u dooda Xuquuqda Qaxootiga ayaa dowladda Norway ku cambaareeyay go’aankeeda ah in 1,600 Soomaali ah oo magan-galyo ahaan u joogay dalkeeda ay u soo tarxiileyso Muqdisho kadib markii ay sida ay sheegtay dalku uu nabad noqday.

Norway waxaa ay leedahay Soomaaliya hadda waa nabad oo ma jirto baahi ay qaxootiga u sii joogaan dalkeeda, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin soo baxday.

Kooxo badan oo u dooda xuquuqda qaxootiga oo ay ku jirto hey’adda Norwegian Organization for Asylum Seekers (NOAS) ayaa waxaa ay sheegeen Soomaaliya inaysan wali nabad aheyn.

“Macquulna ma aha in dowladda ay u mar-marsiyooto celinta qaxootigaasi, taasi oo ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga.”

“Dowladda Soomaaliya ma sugi karto ammaanka dadkan, sidaasi waxaa yiri mid ka ah la-taliyeyaasha NOAS André Møkkelgjerd.

Torkil Åmland oo ah Wasiir ka tirsan Norway ayaa cambaareeyay kooxaha dowladda ku diiday inay soo rogto xeerar xaqa qaxootiga ah, hadalkoodana uu u dhigmo mid sharciga lagu jabinayo.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*