Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Eden Hazard Oo Yidhi Hadalkii Ay Sugayeen Jamaahiirta Chelsea & Real Madrid Go’aan Cadna Ku Shaaciyay Wakhtiga Mustaqbalkiisu Dhinac U Dhici Doono.

Eden Hazard Oo Yidhi Hadalkii Ay Sugayeen Jamaahiirta Chelsea & Real Madrid Go’aan Cadna Ku Shaaciyay Wakhtiga Mustaqbalkiisu Dhinac U Dhici Doono.

Garabka kooxda Chelsea ee Eden Hazard oo kamid ah xiddigaha marka ay noqoto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda sida weyn loo hadal hayo ayaa war qeexan kasoo saaray goorta go’aan uu ka qaadan doono mustaqbalkiisa.

Heshiiska Hazard ee Chelsea ayaa ah mid ku eeg sanadka 2020 waxaana bogaga hore ee saxaafada sii haysta heshiiska suurogalka ah ee uu ugu wareegayo kooxda difaacanaysa Champions League ee Real Madrid oo mudo dheer doonaysay.

Hazard ayaa kaddib markii uu kulankii Watford gaadhay goolkiisii 100-aad ee Blues la weydiiyay wax ku saabsan mustaqbalkiisa iyo goorta uu kala cadaan doono waxaana uu ku jawaab celiyay “Waxaan kaliya diirada saarayaa garoonka, Waxaynu ogaan doonaa go’aanka dhammaadka xilli ciyaareedka”

 Hazard ayaa suuqii dhawaa ee xagaaga ku dhawaaday inuu ku biiro Real oo doonaysay xiddig u buuxiya booskii Ronaldo oo kooxdeeda ka baxay balse waxa heshiis kasta iska diiday Chelsea oo ugu dambayn difaacatay hoggaanka kooxdeeda.

Hazard ayaan marnaba meesha ka saarin rabitaankiisa ah inuu maalin uun ku biiro Los Blancos balse waxa uu sidoo kale xusay inuu doonayo inuu magac halyeeynimo kaga tago kooxdiisa haatan.

 27 jirka ree Belgium waxa uu haatan 101 gool usoo dhaliyay Blues tan iyo markii uu kusoo biiray 2012, 10 kamid ah goolashaas ayuu xilli ciyaareedkan ka dhaliyay Premier League isaga oo sidoo kale dhinaca gool caawinta ee horyaalka ku hoggaaminaya 9 gool caawinood.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa haatan booska afraad kaga jirta miiska kala sarreynta horyaalka iyaga oo afar dhibcood ka hooseeya kooxda booska saddexaad ee Man City kahor kulanka ay Axada booqan doonaan Crystal Palace.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*