Home » CAYAARAHA CAALAMKA » FA-GA England Oo Kudhawaaqay Goolkii, Xidigii, Iyo Tababarihii Ugu Wanaagsanaa Bishii August.

FA-GA England Oo Kudhawaaqay Goolkii, Xidigii, Iyo Tababarihii Ugu Wanaagsanaa Bishii August.

Lucas Moura oo ku guuleestay laacibka EPL ugu wanaagsan bishii August 2018

Xidigan reer Brazil ayaa bandhig wacan samaynayay tan iyo markii uu booska koobaad ka helay Spurs.

Moura ayaa 2-gool ka ansixiyay kooxda United bishii August markaas oo ay kooxdiisu 3-0 kaga adkaadatay Red Devils.

Haddii aad iswaydiiso maxay ku kala duwan yihiin abaal marintan middi u Mane kuguulaystay Mane waxa uu kuguulaystay abaal marinta ay codeeyaan taageerayahsa EPL ee PFA Fans Award.

Halak Moura uu kuguulaystay midda ay xiriirka kubadda cagta England Football Associatio(FA), taas oo bil walba ay ku abaal mariyaan xidiga ay bishaas u arkaan kan ugu bandhigga wacan.

Javi Garcia oo ah macalinka Watford isagana tababarihii August EPL ugu wanaagsanaa ayaa loo doortay.

Macallinkan iyo kooxdiisa Watford ayaa si wacan kubilaawday Premier League iyaga op guulaystya dhammaan 4-tii kulan oo ay ka ciyaareen horyaalaka.

Jean Michael Seri isagana abaal marinta goolka ugu wanaagsanaa bishii Aug ayuu qaatay goolkii uu Palace ka dhaliyay ayaa lagu siiyay cayaar Fulham 4-2 guusha ku qaadatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*