Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Haatan Waxaan Dareemayaa Nafis, Imika Waa Wakhtigii De Ligt – Frankie De Jong Oo Kaftan Ku Tuuray De Ligt & Sida Ay Saxaafada Khaatiga Uga Istaageen Oo Ay Qirteen.

Haatan Waxaan Dareemayaa Nafis, Imika Waa Wakhtigii De Ligt – Frankie De Jong Oo Kaftan Ku Tuuray De Ligt & Sida Ay Saxaafada Khaatiga Uga Istaageen Oo Ay Qirteen.

Kaddib markii uu ugu soo bilawday kulan ka tirsan siddeed dhammaadka Dutch Cup isla markaana uu kamid ahaa xiddigihii ugu bandhiga fiicnaa ee kooxda u sahlay inay gaadhaan wareega afar dhammaadka, Xiddiga mustaqbalka ee Barcelona ee Frankie De Jong ayaa dareemay inuu haatan raaxo dareemayo.

“Haatan waxaan dareemayaa raaxo, Imika waa markii De Ligt” Ayuu Frankie kula kaftamay De Ligt isaga oo sheegayay sida uu uga raystay kutiri kuteenka saxaafada ee sida joogtada ah isaga u hadal hayay.

De Ligt oo wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa ayaa sheegay in ku dhawaad 12 kooxood ay saxeexiisa doonayaan isaga oo ku kaftamay inuu kooxaha badhkood heshiis uga saxeexi doono wakiilkiisa isla markaana uu ku dari doono.

Ads by Revcontent

From the Web

27 Embarrassing Moments Captured by Cameras
Ready Set Health
Ads by Revcontent

From the Web

27 Embarrassing Moments Captured by Cameras
Ready Set Health
Ads by Revcontent

From the Web

27 Embarrassing Moments Captured by Cameras
Ready Set Health

De Ligt ayaa yidhi “Way wanaagsantahay inay yidhaahdaan (Saxaafadu) waxa jira 10 ilaa 12 kooxood oo doonaya saxeexayga, Laga yaabaa inaan u baahanahay inaan badhkood wakiilkayga uga saxeexo”

“Waynu arki doonaa waxa uu mustaqbalku aniga ii hayo, Waxa kaliya ee aan haatan diirada saarayo ayaa ah Ajax”

Dhinaca kale, Kabtanka da’da yar ee Ajax ayaa si weyn u amaanay go’aanka uu qaatay saaxiibkiisa De Jong isla markaana uu ugu biiray Barcelona isaga oo sheegay inuu si wanaagsan u macaamilay markii uu go’aankaas qaatay.

Wuxuu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata “Haatan, Waan ku faraxsanahay isaga, Aad ayaan ugu faraxsanahay warka, Si cajiib ah ayuu ula macaamilay, Ma filayo inuu hada laga bilaabo danayn doono oo ay iyagu (Saxaafadu) uga hadli doonaan isaga si sidii hore u badan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*