Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Halyeey Jamie Carragher Oo Ka Warramay Boos Ay Manchester United Ka Jilicsan Tahay Isla Markaana Ay Juventus Ka Bar-tilmaameedsan Doonto Kulanka Old Trafford.

Halyeey Jamie Carragher Oo Ka Warramay Boos Ay Manchester United Ka Jilicsan Tahay Isla Markaana Ay Juventus Ka Bar-tilmaameedsan Doonto Kulanka Old Trafford.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher oo falanqeeye ka ahaa kulankii xalay dhex maray kooxaha Arsenal iyo Leicester City ayaa ka warramay boos ay ka liidato Manchester United isla markaana ay Juventus si gaar ah u calaamadsan doonto kulanka Old Trafford.

Man United ayaa kulamadii ugu dambeeyay ku jirta xaalad aan wanaagsanayn isla markaana ay natiijooyin aan qurxoonayn kusoo heshay waxaana taa bedelkeeda qaab ciyaareed joogto ah soo bandhigaysa kooxda Juventus oo hoggaaminaysa horyaalkeeda Serie A.

Jamie ayaa oo hore Man United ugu dhaliilay goolkii madaxa ahaa ee Antonio Rudiger ka dhaliyay horraantii toddobaadkan ayaa markale si dadban u sheegay in booskaasi yahay mid Bianconeri ay ka dhaawici karto kooxda Mourinho maadaama oo ay yihiin kooxda goolasha ugu badan ee madaxa ah ka dhalisay Serie A.

Carragher ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Juventus waxa ay goolal gees ka tuur ah oo ka badan koox kasta ka dhalisay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, Iyagu waxay haystaan Ronaldo, Chiellini, Bonucci, Benatia iyo Khedira hadii uu ciyaaro”

Caragher ayaa goolkii Rudiger ee todobaadkan Red Devils lagaga dhaliyay madaxa ku dhaleeceeyay khadka dhexe ee Paul Pogba oo uu ku sheegay inuusan isha ku hayn karin xiddiga kubada soo tuuraya iyo midka uu raacanayo.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*