Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Imisa Kulan Oo Premier league Ah Ayuu Khabiirka Sky Sports Ee Pual Merson Uu Saxay Natiijadii Uu Kooxaha U Saadaali

Imisa Kulan Oo Premier league Ah Ayuu Khabiirka Sky Sports Ee Pual Merson Uu Saxay Natiijadii Uu Kooxaha U Saadaali

Khabiirka Sky Sports ee Pual Merson ayaa xili ciyaareedka oo dhan waxa uu todobaad kasta saadaalin ka bixiyaa 10 ka kulan ee ay ciyaaraan 20 ka kooxood ee qaybta ka ah horyaalka Premier league, waxaana looga bartay in uu marar badan sameeyo saadaal cajiib ah waxaana loogu magac daray ‘Magic Man”. ama ninka layaabka leh.

Haddaba iyada oo la soo gaba gabeeyay kulamadii 22 aad ee Premier league waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa isbarbar dhiga saadaashii Pual Merson ee kulamadan iyo natiijadii rasmiga ahayd ee ka soo baxday iyada oo aad naftaada ku qiyaasi karto haddii aad qayb ka ahayd akhristayaashii Pual Merson saadaasha kula tartamayay.

Todobaadkan kulamadii 22 aad ee Premier league waxa lagu soo gaba gabeeyay kulankii xalay ee ay Manchester City guusha ka gaadhay kooxda Wolves iyada oo afar dhibcood ku soo koobtay hogaankii ay Liverpool ay todobada ugu sii haysay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa isbarbar dhiga natiijooyinkii kulamadii 22 aad ee Premier league iyo saadaashii uu sameeyay Pual Merson ee aanu hore idiinku soo gudbinay intii aan la ciyaarin kulamadan.

Aan marka hore idin xusuusiyo in saadaasha laba loo qaybiyo, waa mid hore waa in khabiirku saxo isla goolasha ay kooxuhu ku kala badinayaan iyo mid labaad oo ah in uu saxo natiijada guud ee guul, guuldaro ama barbaro taas oo ah waxa ugu muhiimsan ee lagu qiimaynayo.

Paul Merson ayaa saxay kala badh kulamadii 22 aad ee premier league isaga oo si sax ah u saadaaliyay shan kulan oo ka mid ah tobankii kulan ee la ciyaaray laakiin todobaadkan ma jiro hal kulan oo uu saxay goolashii la kala dhaliyay.

Halkan Kaga Bogo Natiijooyinkii Kulamadii 22 aad Ee La Soo Ciyaaray Kadib Waxaad Barbar Dhigtaa Saadaashii Pual Merson oo  Qaybta Hoose Ku Qoran:

Halkan Kaga Boggo Saadaashii Pual Merson Ee Kulamadii 22-aad Iyada oo Farta madaw tahay kulamada uu saxay

West Ham United 2-2 Arsenal

Everton 2-1 Bournemouth

Manchester City 3-1 Wolves

Burnley 2-0 Fulham

Cardiff 0-1 Huddersfiled

Brighton 1-3 Liverpool

Crystal Palace 1-0 Watford

Leicester City 1-0 Southampton

Chelsea 1-0 Newcastle United

Tottenham 2-2 Manchester United.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*