Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Juventus Oo Dirqi Guul Kaga Gaartay Parma inkastoo Ronaldo Uu Goolka Gaari Waayay Sawiro

Juventus Oo Dirqi Guul Kaga Gaartay Parma inkastoo Ronaldo Uu Goolka Gaari Waayay Sawiro

Juventus ayaa sii wadata rikoodhkeeda guuldarro la’aanta ay ku bilaawdeen xagaagan iyagoo guul ay dhibtootay ka gaaray dhigeeda Parma.

Mario Mandzukic ayaa u daah furay goolka kowaad kooxda difaacaneysa horyaalka Serie A kaliya cayaarta oo socota laba daqiiqo.

Laakiin Parma ayaa si wacan kaga jawaabtay goolka lagu hogaaminayay waxayna la yimaadeen goolka barbaraha ka hor intaa la aadan nasiinada cayaarta iyadoo uu goolka u gaaray laacibkii hore ee Arsenal Gervinho.

Cristiano Ronaldo ayaa weli sugaya goolkiisa ugu horreeya tan iyo markii uu ku biiray Juve, laakiin kooxdiisa waa mid adkaatay dheeshan waxaana goolka guusha u dhaliyay qeybta labaad kulanka xiddiga Blaise Matuidi.

Laacibka Parma Leo Stulac ayaa birta ku garaacay Free kick cajaa’ib leh ka hor inta uusan dhalin goolka bareejada Gervinho laakiin goolhayahii hore ee Arsenal Wojciech Szczesny ayaa kubbadaas taabtay.

Gabagabadii cayaarta Juve ayaa ku dhawaatay inay hogaanka dheereystaan markii xili dambe birta goolka kubbad ku garaacay laacibka Douglas Costa.

Ronaldo ayaa fursadii ugu wanaagsaneed ee dheesha helay qeybta kowaad kasoo ahaa madax uu banaanka goolka mariyay, laakiin xiddiga Portuguese ayaa sameeyay 23 fursadood xagaagan – taasoo uu kaga badan yahay cayaariyahan walba oo ka dheela shan horyaal ee ugu wanaagsan qaarada kasoo aan dhalin gool.

Dhinaca kale Inter Milan ayaa heshay guushii ugu horreeysay horyaalka talyaaniga markii ay 3-0 kaga badiyeen dhigeeda Bologna.

 DAAWO SAWIRRADA DHEESHA

Mario Mandzukic turned home early on to give Juventus the lead with his second of the season

The Croatia striker also scored in the World Cup final as he finished on the losing side

Gervinho wheels away in delight after grabbing a shock equaliser for the hosts on his full debut

Blaise Matuidi can't hide his delight after he steered home with what proved to be the winner

Cristiano Ronaldo had several attempts on goal but couldn't break his Juventus duck

Luca Rigoni is denied by a superb point-blank save from keeper Wojciech Szczesny

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*