Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Kala Doorashadii Gonzalo Higuain Iyo Mesut Ozil Ee 2013, Kala Duwanaanshaha Xaalada Haatan & Arsenal Oo Qoomamayn Karta Marka Uu Higuain Kusoo Biiro Chelsea

Kala Doorashadii Gonzalo Higuain Iyo Mesut Ozil Ee 2013, Kala Duwanaanshaha Xaalada Haatan & Arsenal Oo Qoomamayn Karta Marka Uu Higuain Kusoo Biiro Chelsea

Chelsea ayaa kusii dhawaanaysa inay lasoo saxeexato weeraryahanka kooxda AC Milan isla markaana amaahda kaga soo maqan Juventus ee Gonzalo Higuain, Blues ayaa saxeexiisa doonayay suuqii xagaaga kahor intii uusan u dhaqaaqin Milan.

Kaddib lix bilood oo bandhigyo isku dhex jira uu kusoo sameeyay Milan, Weeraryahanka ree Argentina ayaa haatan u imanaya Stamford Bridge si uu u xaliyo dhibaatada weerar ee Blues haysatay xilli ciyaareedkan.

Si kastaba, Xaalada ayaa ahaan lahayd mid sidan ka duwan haddii Gonzalo uu ku dhawaad lix sano kahor ku biiri lahaa kooxda ay Chelsea xifaaltamaan ee Arsenal xilligaas oo ay saxeexiisa ku tartamayeen Gunners, Juventus iyo Napoli.

Waxa ay u muuqata in Higuain uu kusoo jeedo kooxda ree London kaddib markii uu la gaadhay heshiis uu toddobaadkii ku helayo €135,000 balse Arsenal ayaa qiimaha lagu iibsanayo ku af-garan weyday Real Madrid.

Intaa kaddib heshiiska ayaa noqday mid la isku mari waayay waxaana ay Arsenal dareenkeeda u leexisay dhinaca Luis Suarez oo Liverpool ka tirsanaa.

Napoli ayaa wakhtigaas wixii ka dambeeyay heshay fursad iyaga oo si deg deg ah wadahadalo ula furay Higuain kaddib markii ay Real kala wareegeen xiddigaha kala ah Raul Albiol iyo Jose Callejon.

Ugu dambayn, Arsenal ayaa Madrid u bandhigtay aduun dhan €27 balse dalabkaas oo noqday mid hooseeyay ayay Napoli ugu dambayn lacagta bixisay isla markaana ay €37 milyan ku qaateen Gonzalo oo si weyn u anfacay sanado kaddibna ay 94 Milyan ku iibiyeen.

Taa bedelkeeda, Tababare Wenger ayaa bangiga u jabiyay Mesut Ozil oo isla wakhtigaas kasoo hayaamay Real Madrid waxaana uu ka bixiyay lacag 42 Milyan oo Euro ahayd oo rekoodhka suuqa ee kooxda noqotay.

In Higuain haatan usoo wareegayo Chelsea ayaa kusoo aadaysa xilli ay wakhti adag isla marayaan Arsenal iyo Ozil oo u muuqda mid lumiyay ka qayb ahaanshaha safka uu xusho tababare Unai Emery.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*