Home » CAYAARAHA SOMALIA » Koobka Jeneraal Daa’uud oo Galabta Furmaya….(Kooxaha ciyaaraya iyo Faah-faahin dheeri ah)

Koobka Jeneraal Daa’uud oo Galabta Furmaya….(Kooxaha ciyaaraya iyo Faah-faahin dheeri ah)

Waxaa Galabta la daah Furi Doona Tartanka koobka Jeneral Daa’uud oo ah tartan caan ah oo sanadkiiba mar uu qabto xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, waxaana sanadkan ka qeyb galaya ilaa 16-kooxood oo kala duwan.

Koobka Jeneral Daa’uud waxaa sanadkii ugu dambeyay ku guuleysatay kooxda kubadda cagta Elman kadib markii ay dherbaaxo u geesatay naadiga Jamhuuriya.

Tartankan waxaana loo qabtaa in lagu xusuusto Aabihii Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Jeneral Daa’uud Cabdulle Xersi, oo ahaa aas aasihii xooga dalka Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Jeneral Daa’uud waxaa uu geeriyooday sanadkii 1965-kii, hase ahaatee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu soo bilaabay qabashada tartanka Jeneral Daa’uud sanadku markuu ahaa 1972-kii.

Tartankan oo ah kan labaad ee ugu shacbiyada badan dalka Soomaaliya marka lagasoo tago horyaalka dalka ayaa waxaa markii hore ka qeyb geli jiray 12 kooxood oo keliya, laakin iminka waa la kordhiyay tirada ka qeyb galayaasha oo waxaa laga dhigaya 16 kooxood, kuwaas oo ka kala yimaada heerarka kala duwan ee A, B iyo C.

Waxaa galabta lagu daah furi doona kooxaha Jeenyo Vs Horseed iyo Jamhuuriya vs Saxafi Fc, sida jadwalka ku cad kulamadan waxey ka kala dhici doonan garoomada Jaamacadaha iyo Banaadir Stadium.

Kooxaha Horseed iyo Jeenyo ayaa ku hardami doona garoonka Koonis ee Degmada Cabdicasiis waana ciyaarta ugu xiisaha badan kulamada galabta dhici doona.

Jeenyo ayaa koobkan ugu dambeysay sanadkii 2016-kii markaas oo ay ka qaaday kooxda Banaadir Sports Club.

Labadan kooxod ayaa kamid ah kooxaha ugu tunka weyn horyaalka Somali Premier League.

Dhanka kale Garoonka Jaamacadaha ayaa ciyaar kale oo xiise badan ka dhici doonta taa oo u dhaxeysa kooxaha Saxafi iyo Jamhuuriye, waana kulan aad u xiiso badan.

Ogeysiis Ciyaaraha:

Tartanka: Jeneral Daa’uud

Kooxaha: Jeenyo Vs Horseed/ Jamhuuriye Vs Saxafi FC

Garoomada: Banadir Stadium iyo Jaamacadaha

Saacada: 3:30

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*