Home » ARIMAHA BULSHADA » WAR CUSUB :- Kulanka Dhalinyarada Barbaarta Gobolka Baali Oo Ka Soo Baxeen Baaq iyo Qodobo Muhim ah ( Akhriso )

WAR CUSUB :- Kulanka Dhalinyarada Barbaarta Gobolka Baali Oo Ka Soo Baxeen Baaq iyo Qodobo Muhim ah ( Akhriso )

Kulanka dhalinyarada barnaarta #raaso oo kasoo baxeen baaq iyo qodobo muhim ah.

Barbaarto raaso ayaa maanta iskugu imaaday kulan lagu xoojinayo amniga iyo isbadalada degaanka kadhacay waxaana laga soo saaray baaq iyo qodobo.

1) dhalinyarada raaso waxay markasta utaagantahay adkaynta amniga iyo wada noolanshaha shucubta ethiopia.

2) dhalinta raaso waxay soo dhawaynayaan isbadaladii kadhacay degaanka iyo midkii xisbiga ee loo dortay mudane ahmed shide.

3) dhalinta raaso waxay taagersanyihiin xabad joojontii onlf kudhawaaqday si degaanku unoqdo mid nabadgalyo.

4) dhalintu waxay kasoo horjedaan waxkasta oo keeni kara kala qaybsanaan iyo tafaraaruq wax loogu dhimayo dhamaan belaha iyo deganada somalida.
5) dhalinta raaso waxay kal iyo laaba utaagersanyihiin shirweynihii kadhacay deridhaba ee horseeday isbadalka maanta.

6) dhalinta raaso waxay kasoo horjedaan in masiirka umada ay koox goni ah ku tagri fasho ama ay iska dhigaan inay wada matalan degaanka oo dhan.

7) dhalinta raaso waxay taagersanyihiin oo bogaadinayaan in masiirka umada laga wada qayb qaato dhamaan degaanada iyo gobolada oo dhan.

8. Dhalinta raaso waxay ugu baqayaan dhaman degamadii iyo magaaloyinkii ay kadhaceen dhibku in loo gurmado oo dadkii waxyeelada nafeed iyo maalba soo gadhay wax lagarsiiyo si losoo celiyo isjeceylkii qomiyadaha.

9) dhalinta raaso waxay ugu baqayaan dhaman dhalinyarada kale ee degaamada inay lashaqeyaan laamaha amniga si loo adkeeyo amanka iyo amniga muwadinka.

10) dhalinta raaso waxay ugu baqayaan ciidanka degaanka ee liyu police inay kaqayb qataan soo celinta amaanka oo ayna u horseedin dhibaato horleh degaanka.

11) dhalinta raaso waxay garab taagenyihiin dhamaan qofkasta oo somali ah oo katalinaya wanag somaali iyo nabad galyo.

 

 

Xafiiska Magaalada Raaso 

Wixii Warbixin ah Ama Cabasho ah Nogu Soo Dir  :-

Info@Raaso24.com

Raasoradio@gmail.com

Boodhari8888@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*