Home » CAYAARAHA SOMALIA » Kullankii ugu horeeyay wareega afar dhamaadka tartanka degmooyinka G.Banaadir oo galabta la ciyaari doono

Kullankii ugu horeeyay wareega afar dhamaadka tartanka degmooyinka G.Banaadir oo galabta la ciyaari doono

 Waxaa galabta la ciyaari  doonaa   kullankii ugu horeeyay wareega afar dhamaadka tartanka  degmooyinka gobolka Banaadir.

Kullanka galabta ayaa dhex mari doona Waabari iyo  Hodan oo kubad loo riyaaqo ku sameeyay tartanka.

Wiilasha Waabari ayaa ka soo badiyay Boondhere, halka Hodana ay guul ka soo heleen degmada Xamar Wayne.

Labada degmo tii soo baxdaa waxa ay  iska xaadirin doontaa Finalka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Hodan waxa ay doonaysaa in markii labaad ay Finalka gaarto, halka Waabari ay raadinayso markii afaraad oo xiriir ah.

Sikastaba kullanka galabta ayaa ka dhici doona garoonka Koonis ee ku yaala degmada C/Casiis.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*