Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Liverpool Oo Fariin Kale Oo Cad Dirtay, Man City Oo Sii Quusaysa, Khasaaraha Arsenal Oo Caado Noqday, Man United Oo Soo Kabsatay Iyo Miiska Kala Saraynta Premier League.

Liverpool Oo Fariin Kale Oo Cad Dirtay, Man City Oo Sii Quusaysa, Khasaaraha Arsenal Oo Caado Noqday, Man United Oo Soo Kabsatay Iyo Miiska Kala Saraynta Premier League.

Waxaa la soo gaba gabeeyay kulamadii 19 aad ee kala badhka xili ciyaareedkan marka laga reebo hal kulan oo baaqi u ah maalinta barri ee khamiista ah, laakiin kulamadii lixda kooxood ee waa wayn ayay ka soo baxeen natiijooyin saamayn xiiso badan abuuray.

Kooxda koobka Premier league difaacanaysa ee Manchester City ayaa guuldaro kale oo waji gabax ah kala soo laabtay Leicester City laakiin kooxda duulaysa ee Liverpool ayaa xasuuq u gaysatay Newcastle United halka Manchester United ay guusheedii labaad oo xidhiidh ah si raaxo leh u gaadhay.

Arsenal ayaa caado ka dhigatay in laba kulan oo xidhiidh ah ayna si fiican u wada ciyaarin waxayna Gunners iska lumisay fursad fiican oo ay kaalinta afraad ku sii adkaysan kartay balse waxay barbaro la soo gashay kooxda Brighton iyada oo hadda kooxda Emery dhibaato kale dareemaysa.

Kooxda Tottenham ayaa fariin culus oo kale u dirtay kooxaha waa wayn ee Premier league kadib markii ay 5-0 ku xasuuqday kooxda Bournemouth iyada oo kulankii hore 6-2 ku gumaaday Everton laakiin sidoo kale Chelsea ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Watford si ay uga soo kabsato guuldaradii Leicester City.

Haddaba sidii aad uga barateen shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa dib u eegista kulamadii 19 aad ee maalinta Boxing day ee maanta ilaa caawa la ciyaaray kuwaas oo aanu halkan idiinku falan qayn doono.

6-Kulankii Leicester City 2-1 Manchester City.

Manchester City ayaa guuldaradii labaad oo xidhiidh ah la kulantay iyada oo waliba gool ku hormartay waxayna taasi la micno tahay in kooxda Guardiola ay saddex jeer soo guuldaraysatay afartii kulan ee premier league ugu danbeeyay taas oo ah sheeko ku cusub Etihad Stadium.

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa qirtay in kooxdiisu ay hadda naftooda ka shakiyeen balse ay u baahan yihiin in ay markale guulaystaan si ay u soo laabtaan balse waqti kooban ayay Man City ka soo dhacday kaalinta kowaad waxayna hadda sii dhex quusaysaa kaalinta saddexaad ee premier league.

Manchester City ayaa hogaanka Premier league haysay laakiin markii ay guuldarada kala kulantay Chelsea waxay lumisay hogaanka Premier league oo ay Liverpool la wareegtay balse kulankii Crystal Palace ayaa Liverpool siiyay afar dhibcood oo ay sare uga baxday Sky Blues.

Balse guuldaradii Leicester City waxay noqotay mid si wayn u caawisay kooxaha Liverpool iyo Tottenham iyada oo Liverpool awooday in ay 7 dhibcood sare uga baxday Manchester City isla markaana ay 6 dhibcood hogaanka ku qabtay.

Hadda Manchester City waxay diirada saari doontaa kulanka Southampton waxaana markiiba u raaci doona kulanka adag ee ay Liverpool ku kala calaf qaadi doonaan Etihad Stadium, waana kulan loo arko in uu noqon karo mid saamaynta ugu wayn ku yeelan kara tartanka Premier league.

5-Kulankii Tottenham 5-0 Bournemouth

Tottenham ayaa loo arkayay in ay tahay kooxda ugu cad cad ee kaalinta saddexaad ka cidhiidhsan karta kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Manchester United laakiin hadda waxay Spurs kooxaha waa wayn ee Premier league ay u direen fariin cad oo ka wayn sidii hore ee la filayay.

Tottenham ayaa hore dadka ugaga soo yaabsatay in ay Everton oo ay marti u ahayd kaga soo badisay 6-2 laakiin markii ay 5-0 ku xasuuqeen kooxda Bournemouth waxay noqotay faariin kale oo dareenka kooxaha waa wayn si wayn u soo jeedisay.

Tottenham ayaa hadda kaalinta labaad si buuxda ugu fadhiisatay kadib markii ay Manchester City guuldaro kala kulantay Leicester City. Spurs ayaa awooday in ay yeeshaan 45 dhibcood iyada oo Man City wali haysata 44 kii dhibcod ee kulamadii 17 aad waxayna Tottenham 6 dhibcood ka hoosaysaa hogaamiyaasha Premier league ee Liverpool.

Sidaa daraadeed, waxay hadda Tottenham si buuxda u noqotay kooxda saddexaad ee Liverpool iyo Manchester City sida dhabta ah ugula tartamaysa koobka Premier league halka markii hore loo arkayay in ay kaalint saddexaad iyo afraad kula loolamayso kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*