Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Ma Sir Alex Ferguson Ayaa Guulihiisa Door Ku Leh? Ole Gunnar Solskjaer Oo Soo Bandhigay In Kulan Kastaba Uu Ferguson La Kulmo.

Ma Sir Alex Ferguson Ayaa Guulihiisa Door Ku Leh? Ole Gunnar Solskjaer Oo Soo Bandhigay In Kulan Kastaba Uu Ferguson La Kulmo.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaciyay in kulan kasta uu waqti la qaato tababarihiisii hore ee Sir Alex Ferguson oo Old Trafford saamayn ku yeeshay tan iyo maalintii uu Jose Mourinho kooxda ka baxay. Sir Alex Ferguson ayaa ka fogaaday shaqada United muddadii uu Mourinho soo maamulayay laakiin hadda Ole Gunnar ayaa runta ka sheegay xaalada.

Waxaa jiray warar soo baxay horaantii waayaha tababaranimo ee Ole Gunnar Solskjaer ee Manchester United kuwaas oo sheegayay in Sir Alex Ferguson uu saamayn buuxda ku lahaa soo kabsashadii United iyada oo xataa ay dadka qaar ay gaadhsiiyeen in Ole Gunnar Solskjaer uu Sir Alex kala tashanayay shixihii uu guulaha badan ku soo gaadhay.

Laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa hadda soo bandhiga sida uu kulan kasta kadib uu xafiiskiisa ugu booqdo Sir Alex Ferguson taas oo muujinaysa in hadda Ferguson uu door ku leeyahay xaalada Old Trafford ee sida fiican uga soo kabsatay dhibaatadii Mourinho.

Ka hor kulanka Leicester City, tababare Ole Gunnar Solskjaer oo xaqiijinaya in kulankasta kadib uu xafiiskiisa Old Trafford ku booqdo Sir Alex Ferguson ayaa Old oo arintan ka hadlaya yidhi: “Waxaan hubiyaa in kulan kasta kadib aan isaga ku booqdo xafiiskiisa Old Trafford”.

Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya xaalada kooxdiisa Man United ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in aanu ka soo baxnay tartamadii ugu badnaa, dabcan laga yaabee dib u dhicii Burnley ee labada gool la nooga dhalyiyay”.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya fursada ay kooxdiisa Man United ka heshay Chelsea iyo Arsenal oo dhibco badan soo lumiyay intii uu shaqada joogay ayaa yidhi: “Laga yaabee in ay anaga na siin doonaan in aanu heerka kale u dhaqaano, sababtoo ah waxaan filayaa in ay naftayada siiyeen fursad aanu hadda kaalinta afaraad ku gali karno oo laga yaabo in ay ka horayso sidii aanu ka fikiraynay”.

“Ma aha kulamo badan, wali hal todobaad ayaa kulan kasta oo iyaga ah u dhexeeya, laakiin boos adag xaqiiqdii, waxaad ku bilaabanaysaa kulankan Leicester, martida Fulham oo sidoo kale ah mid adag” ayuu Ole Gunnar Solskjaer hadalkiisa sii raaciyay.

Manchester United ayaa galabta la ciyaari doonta kooxda Leicester City oo Liverpool barbaro la soo gashay waxayna Red Devils ka taxadaraysaa in ay dhibaato kala soo laabto King Power Stadium kadib barbarihii Old Trafford ee Burnley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*