Home » WARARKA CAALAMKA » Madaxweye Recep Tayyip Ergodan “Waa in La Sheegaa Cidda Uu Ka Soo Fulay Amarka ah in La Dilo Wariye Jamaal Khaashogji Sababtoo ah”….!!!!
ANKARA, TURKEY - OCTOBER 23: President Recep Tayyip Erdogan speaks about the murder of Saudi journalist Jamal Khashoggi during his weekly parliamentary address on October 23, 2018 in Ankara, Turkey. Erdogan said Khashoggi was the victim of a "brutal" and "planned" murder and called for the extradition of 18 suspects to Turkey to face justice. Khashoggi, a U.S. resident and critic of the Saudi regime, went missing after entering the Saudi Arabian consulate in Istanbul on October 2. (Photo by Getty Images)

Madaxweye Recep Tayyip Ergodan “Waa in La Sheegaa Cidda Uu Ka Soo Fulay Amarka ah in La Dilo Wariye Jamaal Khaashogji Sababtoo ah”….!!!!

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dacwad oogaha guud ee Sucuudiga inuu baaritan ku sameeyo ciddii uu kasoo fulay amarka ah in la dilo weriye Jamaal Kaashogji.

 

Erdogan wuxuu sheegay in dacwad oogaha Sucuudiga laga doonayo inuu shaaca ka qaado ciddii soo dirtay 15-ka qof ee lagu tuhunsan yahay inay Jamaal Khaashogji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

 

Hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa imaanaya xilli dacwad oogaha guud ee Sucuudiga uu booqasho ku tegayo qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

 

Dilka weriyaha kaddib, Sucuudiga wuxuu xabsiga dhigay dad lagu tuhunsan yahay dilka iyo sidoo kale waxaa shaqada laga ceeyriyay saraakiil sar sare.

 

Balse mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay beeniyeen in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Jamaal Khaashogji.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*