Home » WARARKA SOMALIA » Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud Oo Saakay Soo Gaaray Muqdisho Iyo Soo Dhaweyn Loo Sameeyey (Daawo Sawirada)

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud Oo Saakay Soo Gaaray Muqdisho Iyo Soo Dhaweyn Loo Sameeyey (Daawo Sawirada)

Waxaa saakay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mudooyinkii dambe kunoolaa dalka dibadiisa,

Garoonka Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya, Xildhibaanada labada Aqal, Siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo aad u taageersanaa.

Imaanshaha Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn looga dareemay, waxaana magaalada saakay ka jira mashquul badan oo ka dhashay imaanshaha Xasan Sheekh oo mudo sanad ah dalka ka maqnaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kulamo kala duwam la qaadan doona, Masuuliyin katirsan dowlada, Siyaasiyiin, waxgarad iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*