Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Manchester City oo Rigoorayaal ku garaacday Chelsea isla markaasna hanatay Carabao Cup.

Manchester City oo Rigoorayaal ku garaacday Chelsea isla markaasna hanatay Carabao Cup.

Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa ku guuleysatay Carabao Cup kadib markii ay rigoorayaal ku garaacday Kooxda Chelsea.

Cayaar lagu jilbo murxay kadib ayaa kusoo dhamaatay 0-0 iyadoo lagu daray 30 daqiiqo dheeri ah balse wax gool waa la iska dhalin waayay.

Dhamaadkii cayaarta ayaa waxaa dhacday layaab kadib markii goolhayaha Chelsea uu soo gaaray dhaawac fudud waxaase badal u taagay macalin Sarri balse goolhayaha reer Spain ayaa badalkii diiday arintaas oo aad uga careysiisay macalinka kooxda Chelsea asigoo qarka u fuulay inuu gacmaha ula tago goolhaye Kepa Arizabalaga.

Rigoorayaal ay labada koox tureen ayaa waxaa 4-3 ku badisay kooxda Manchester City kadib markii ay gool ku laadyadii khasaariyeen  xidigaha kala ah David Luiz iyo Jorginho.

Manchster City ayaa sidaas ku hanatay koobka Carabao Cup markeedii labaad oo xiriir ah iyo markeedii 6aad.

Waa koobkii ugu horeeyay ee uu macalin Pep Guardiola la qaaday City sanadkaan 4 koob oo uu qeyb ka yahay asigoo doonayo inuu dhamaan kuwada guuleysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*