Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Maxay Ahaayeen Labadii Shuruudood Ee Antonio Conte Ku Xidhay Real Madrid Ee Sababta U Noqday Inay Burburaan Wada-hadalladii U Socday?

Maxay Ahaayeen Labadii Shuruudood Ee Antonio Conte Ku Xidhay Real Madrid Ee Sababta U Noqday Inay Burburaan Wada-hadalladii U Socday?

Ka hor intii aanay Real Madrid shaacinin inay shaqada tababarenimo ka eriday Julen Lopetegui, waxa jiray wada hadallo maalmo socday oo ay la lahayd macallinkii hore ee Chelsea, Juventus iyo xulka qaranka Itay ee Antonio Conte.

Tababarahan ayaa la wariyey inuu soo gaadhay magaalada Madrid si uu u saxeexo heshiis uu kula wareego Los Blancos oo dhibato badan ku jirta, hase yeeshee waxa si lama filaan ah u burburay wada-xaajoodkii u socday, kaddib markii laysku afgaran waayey shuruudo uu watay Conte oo naadigu ka biyo diiday.

Arrimaha laysku maan-dhaafay ayaa ah laba qodob oo ah shuruudo uu miiska soo dhigay Conte, kuwaas oo uu doonayo inuu kaga badbaado in sidii Lopetegui oo kale ku dhacdo.

Shuruudda koowaad ee Lopetegui ayaa ahayd in Real Madrid si degdeg ah loogu soo kordhiyo hal difaacyahan oo awood badan oo xalliya mashaakilka goolasha badan ee sida fudud uga dhalanaya, laakiin inkasta oo aan la magacaabin ciyaartoyga uu dalbaday, haddana waxa la fahamsan yahay in masuuliyiinta uu farta ugu fiiqay qofka uu yahay.

Qodobka labaad ee madaxa xanuujiyey Real Madrid waqtigan ayaa ah in si degdeg ah loogu keeno weeraryahan awood badan, ku fiican dhalinta goolasha, magac weyn leh oo cabsi ku sii abuuri kara kooxaha ka hor imanaya. Waxa uu weliba usii raaciyey in weeraryahankaas dartii uu u beddeli doono shaxda kooxdu ku ciyaarto oo uu ka dhigi doono weeraryahankiisa koowaad.

Labadan shuruudood ayaa Real Madrid ku noqday madax-wareer iyo kuwo aanay waqtigan kasoo bixi karin, waxaana sidaas ku burburay wada-hadalladii ay la lahaayeen Conte.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*