Home » CAYAARAHA SOMALIA » Natiijooyinka Kulmadii Galabta Tartanka Dagmooyinka Gobolka Banaadir(Sawiro)

Natiijooyinka Kulmadii Galabta Tartanka Dagmooyinka Gobolka Banaadir(Sawiro)

Xamarweyne oo guuldarra biday Heliwaa,Boondheere& Deyniile oo ku heshiiyay barbaro.

Ciyaarta ka dhacday gegidda Banadir Stadium ee dhexmartay degmoyinka Heliwaa & Xamar weyne ayaa ahayd mid xiisa leh 2da dhinac ayaana isdhafsaday weerara halis badan qeybta hore ee kulanka ayaana ku soo idlatay 1-1 oo ay heliwaa ku hormartay.

Qeybta 2aad wax badan kalama aysan awood badneen 2da laakiin badalo dhowr ah iyo aragtiyaha macallimiinta aya dhinac u riday natiijada ciyaarta taasoo daqiiqadii ugu dambeysay ee ciyaarta ay goolka guushu ku heshay Xamarweyne oo uu u dhaliyay nambarkoda 22 C/Qadir Mayow Cusman oo qeybihii dambe ee Ciyaarta Badal ku soo galay.

Garoonka Jaamacadaha waxaa ku dagaalamay degmooyinka Boondheee iyo Deyniile qeybta ayaana la go’aamiyay natiija ciyaareedka kulanka maadama qeybta hore ee ciyaarta ay 2da degma iska dhaliyeen goolashaas.

Isku daya badan oo 2da ah ayaa noqday kuwa aan guleysan natiija ciyaaredka ayana noqotay 1-1.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*