Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Noo Sheeg Sababta, Maxaanu Samaynaa Si Uu Garoonka Ugu Soo Laabto – Jamaahiirta Arsenal Oo Baroor Qabsaday Kaddib Markii Tababare Emery Ku Dhawaaqay Shaxdiisa Ka Hor Ciyaartii Shalay Iyo Halka Laacib Ee Ay U Ilmeeyeen

Noo Sheeg Sababta, Maxaanu Samaynaa Si Uu Garoonka Ugu Soo Laabto – Jamaahiirta Arsenal Oo Baroor Qabsaday Kaddib Markii Tababare Emery Ku Dhawaaqay Shaxdiisa Ka Hor Ciyaartii Shalay Iyo Halka Laacib Ee Ay U Ilmeeyeen

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la kulantay guul-darro kale, waxaanay halis ugu jirtaa inay lumiso booska kaalinta shanaad oo haddii ay Manchester United guul weyn ka gaadho Tottenham ay ka cidhiidhsan karto.

Arsenal waxay shalay marti u noqotay naadiga ay isku magaalada yihiin ee West Ham United, waxaana ay lasoo laabatay guul-darro 1-0 ah, waxaanay taasi keentay inay Chelsea oo booska afraad ay ku hirdamayeen ay hoos uga dhacdo lix dhibcood, sidoo kalena ay Manchester United oo kulankeeda maanta ciyaaraysa ay ka sarreyso saddex dhibcood oo kaliya.

Haddii Manchester United ay kasoo adkaato Tottenham oo ay Wembley kula ciyaarayso, waxay dhibco ahaan soo qaban doontaa Arsenal oo ay isku mid noqon doonaan, sidoo kalena farqiga goolasha ee labada kooxood ayaa ah saddex gool oo kaliya, waxaana United ay u baahan tahay afar gool oo nadiif ah iyo wax ka badan inay kaga adkaato Tottenham si ay kaalinta shanaad usoo gasho, isla markaana lixaad ugu dirto Arsenal.

Ciyaartan niyad-jabka ahayd ee Gunners ay martida ugu noqotay West Ham, waxay jamaahiirtu ka dareereen garoonka ka hor intii aanu garsooruhu ku darin waqtiga dheeriga ah, waana calaamad muujinaysa inay quus taagan yihiin.

Taageereyaasha Arsenal, waxay niyad-jakooda soo bandhigeen ka hor intii aanay ciyaartuba bilaabmin, markaas oo barta Twitterka ay qabsatay hal su’aal oo kaliya oo ku saabsanayd sababta uu Emery kooxdiisa uga reebay Ozil oo ah ciyaartoyga mushaharka ugu badan ka qaata Arsenal.

Inkasta oo dhamaadkii ciyaarta uu Emery uga jawaabay taageereyaasha su’aashooda oo uu tilmaamay in kulankan aanu Ozil diyaar u ahayn, haddana taageereyaashu waxay ka dalbadeen faahfaahin dheeraad ah iyo inuu u tilmaamo waxa ay tahay inay sameeyaan si ay u arkaan Ozil oo mar kale shaxda koowaad kasoo muuqanaya.

Halkan ka akhri qaar ka mid ah farriintii taageereyaashu u direen tababarahooda iyo waxa ay ka dalbadeen:

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*