Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Pavel Nedved Oo Ka Sheekeeyey Sida Ay Ku Timi Aragtii Ay Juventus Kula Soo Wareegtay Cristiano Ronaldo

Pavel Nedved Oo Ka Sheekeeyey Sida Ay Ku Timi Aragtii Ay Juventus Kula Soo Wareegtay Cristiano Ronaldo

Kaddib markii ay soo inqilaabeen saxiixii ugu weynaa ee xagaaga, Cristiano Ronaldo, madaxweynaha ku xigeenka Juve, Pavel Nedved waxa uu daaka ka sida ay markii hore aragtidan uga soo baxday agaasimaha ciyaaraha Fabio Paratici.

Nedved sidoo kale waxa uu saxiixa ku Ronaldo ku tilmaamay in ay ahayd baahi la qabay si Juventus ay Champions League-ga ugu guuleysato.

“Wax walba waxa ay ka soo bilowdeen madaxa agaasimaha ciyaaraha Fabio Paratici,” ayuu qiray.

“Guriga ayaan joognay markii uu aragtida noo soo bandhigay aiga iyo madaxweyne Agnelli.

“Dhabtii waan jecleysannahay aragtida, waxaana ku faraxsaneyn oo aan ogeyn in aan wax wanaagsan sameeneyno.

“Markii aan maqlay qiimaha lagu fasixi karo, waxaan ogeyn in ay ahayd in aan isku dayno si aan ula soo saxiixanno.

“Tallaabo loo baahnaa in aan qaadno ayey ahayd kaddib markii aan ku guuleysannay 7 Scudetti oo xiriir ah.

“Waxaan isku dayyi doonnaa in aan ku guuleysanno Champions League, taas waa aragtideyda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*