Home » CAYAARAHA CAALAMKA » RASMI: Kooxda Barcelona Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Dhaawaca Xiddiga Kooxdeeda Ee Ivan Rakitic & Mudada Uu Maqnaan Karo.

RASMI: Kooxda Barcelona Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Dhaawaca Xiddiga Kooxdeeda Ee Ivan Rakitic & Mudada Uu Maqnaan Karo.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona iyo xulka Croatia ee Ivan Rakitic ayaa ahaa mid uu dhaawac kusoo gaadhay kulankii uu dhawaan xulkiisu guusha weyn ka gaadhay dhigiisa Spain.

Tababaraha xulka Croatia ee Zlatco Dalic ayaa shaaciyay in Ivan uusan xulka ula safri doonin magaalada London kulanka ay halkaas kula yeelanayan xulka England ee go’aamin doona haddii xulalkani ay qayb kasii ahaanayaan tartanka UEFA Nations League.

Ivan Rakitic will miss Croatia's Nations League clash against England. GOAL

Kooxda caafimaadka ee Barca ayaa kaddib baadhitano ay mariyeen xiddigan oo waajibaadka qaran laga soo fasaxay kusoo saaray inuu dhaawac kasoo gaadhay muruqa.

Blaugrana oo dhaawaca xiddigii hore ee Sevilla ku shaacinaysa barta Twitter-ka ayaa sheegtay in xiddigan dhaawaciisu uu yahay muruqa lugta midig isla markaana ay soo laabashadiisu ku xidhnaan doonto soo kabashadiisa iyadoo aan la shaacin wakhti rasmi ah oo uu kusoo laaban doono.

Qoraalka Barca ayaa u yaalay sidan “[WARARKA DHAAWACA] @IvanRakitic waxa uu cadaadis muruqa ah ka qabaa lugtiisa midig, Soo laabashadiisu waxa ay ku xidhnaan doontaa soo kabashadiisa.

Rakitic ayaa marka horeba aan wax fursad ah u heysan inuu qayb ka noqdo kulanka ay 24-ka bishan kooxdiisa Barca booqanayso dhigeeda Atletico Madrid maadaama oo kaadh cas loo taagay kulankii ay guuldarada 3-4 ta ah kala kulmeen Real Betis.

Si kastaba ha ahaatee, Xulka Croatia ayaa aadi doona Final-ka tartanka Nations League haddii ay guul ka gaadhaan England kulanka toddobaadkan halka ay League B u dhaadhici doonaan hadii ay fashilmaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*