Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Ronaldo oo dhaliyay Goolashiisii ugu Horreeyay ee Horyaalka Talyaaniga xili Juventus ay Guul ka gaartay Sassuolo SAWIRRO

Ronaldo oo dhaliyay Goolashiisii ugu Horreeyay ee Horyaalka Talyaaniga xili Juventus ay Guul ka gaartay Sassuolo SAWIRRO

 

Cristiano Ronaldo ayaa ugu dambeyntii furtay koontadiisa goolasha ee kooxda Juventus kulankii ay 2-1 ku dhaaftay dhigeeda Sassuolo.

Laacibka Portugal ayaa wax goolka dhalin seddaxdii dheel ee ugu horreeysay xagaagan kooxdiisa cusub balse ugu dambeyna wuxuu gaaray shabaqa dheeshii ay wajaheen dhigooda Sassuolo.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 0-0 wallow labada dhinac ay sameyeen fursado dhanka goolkaa.

Cayaarta oo socota daqiiqadii 50-aad Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisa ugu horreeyay horyaalka talyaaniga markii kubbad uu qalad mid kamida cayaariyahanada Sassuolo uu shabaqa ku dhameystiray taa oo laga soo tuuray gees ka laadka.

Marka kale Ronaldo ayaa raacsaday goolkiisa labaad kaddib caawin qurux badan uu ka helay xiddiga Emer Can darbad hoose ayuuna ku hubsaday Goolka kooxda martida.

Uma suura galin in goolka seddaxaad uu dhaliyo CR7 inkastoo uu dhawr fursad sameyay xiddiga.

Guushan ayay Juve ka dhigan tahay inay sii xajisato hogaanka horyaalka waxyana lee yihiin 12 dhibcood afarta kulan ee ilaa hadda laga dheelay horyaalka Serie A.

DAAWO SAWIRRADA

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*