Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Sababta Ay Ciyaartoyda Real Madrid U Doonayeen In Barcelona Lagu Aadiyo Afar Dhamaadka Copa Del Rey Oo La Ogaaday.

Sababta Ay Ciyaartoyda Real Madrid U Doonayeen In Barcelona Lagu Aadiyo Afar Dhamaadka Copa Del Rey Oo La Ogaaday.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa semi-finalka tartanka Copa del Rey wada ciyaari doona bishan Arbacada toddobaadkan iyo Arbacada ugu dambaysa bishan February, ka hor inta aanay afar maalmood kaddib garoonka Santiago Bernabue isku xidhanin kulankooda labaad ee horyaalka Xili ciyaareedkan ee LaLiga, kaas oo buuxinaya tirada afar kulan oo afar bilood gudahood ay wada ciyaareen.

Is aragga hore ayaa waxa Arbacada ay ay ku ciyaari doonaan garoonka Camp Nou, kulanka xiga oo ku muddaysan 27 February na waxay ku kulmi doonaan garoonka Santiago Bernabue.

Dadka ciyaaraha falanqeeya ayaa waxay ku doodeen in labada kooxoodba ay u wanaagsanaan lahayd inay iskugu yimaaddaan finalka oo ay waqtigan jadwalba cidhiidhiga ah kala badbaadaan, ayna ku beegmaan Valencia iyo Real Betis oo iyaguna afka iska galay.

Kulanka Finalka ayaa waxa uu ka dhici doonaa Benito Villamarin marka ay taariikhdu tahay 25 May, waxaana tegi doona midka soo adkaada Barcelona vs Real Madrid iyo Valencia vs Real Betis.

Haddaba wargeyska AS ee kasoo baxa dalka Spain ayaa waxa uu sheegay qiso cajiib ah oo ku saabsan ciyaarta Real Madrid iyo Barcelona, taas oo uu tilmaamay inuu helay xogo muujinaya in ciyaaryahannada Real Madrid ay doonayeen inay Barcelona isku beegmaan semi-finalka halkii ay ciyaarta ugu dambaysa ee finalka iskugu iman lahaayeen.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo ka agdhow ciyaartoyga Real Madrid amaba qolka lebbiska ee Los Blancos ayaa waxa uu sheegay in ciyaartoyga kooxdaasi aaminsan yihiin inay ciyaarta labada lugood ah ee semi-finalka ay iskaga celin karayaan Barcelona ugu yaraan hal kulan, ayna fursad u haystaan inay isku-darka natiijada labada lugood ay kaga sare maraan, ayna noqdaan kooxda soo baxaysa.

Arrinta kale ee ciyaartoyga Real Madrid ay ku doonayeen in waqtigan ay ku beegmaan ayaa ah in nasiibkoodu siiyey in ciyaarta labaad ay ka dhacdo garoonkooda Santiago Bernabeu oo ay kaga aargoosan karaan haddii Barcelona ay lugta hore ee Arbacada kusoo karbaashto Camp Nou.

Wargeysku wuxuu xusay in ciyaaryahannada Madrid ay ku kalsoon yihiin in iyagoo kaalmo ka helaya jamaahiirta kooxdooda ay garaaci doonaan Barcelona. Dhinaca kale ciyaartoyda Real Madrid ayaa u arka in haddii ay Barca iska reebaan in ay koobka Copa Del Rey xili ciyaareedkan ku guulaysan karaan kadib markii ay waqti dheer ka maqnaayeen.

Real Madrid oo inta badan xili ciyaareedkan dhibaatootay ayaa waxay dareensan tahay in xilligan ay ku jirto waqti fiican oo kalsooni ay ku qabto inay iska dhicin karayso Barcelona, taas daraadeedna ay tahay xillligii ugu habboonaa ee ay ka hor tegi lahayd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*