Home » WARARKA SOMALIA » SAWIRO :- Xasan Sheikh Maxamuud Oo Maanta Dhoola Tus Siyaasadeed Ku Soo Bandhigay Magaalada Muqdisho Iyo Xisbiga Kale Ee Farm……!!!!

SAWIRO :- Xasan Sheikh Maxamuud Oo Maanta Dhoola Tus Siyaasadeed Ku Soo Bandhigay Magaalada Muqdisho Iyo Xisbiga Kale Ee Farm……!!!!

Waxaa magaalada Muqdisho ka socota Munaasabad lagu daah furayo Xisbiga cusub ee Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay boqolaal dad ah oo ka kala yimid magaalada Muqdisho, waxaana ka mida tobanaan xildhibaan oo ka tirsanaa kooxdii Qabyo iyo Xisbiga Daljir, iyadoo hoolka ay ay camireen xubnaha xisbigii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.

“AAN MAR KALE MUDNAANTA SIINNO MAANDEEQ” ayaa halkudheg looga dhigay xaflada waxaana muddo 6 bilood ah hoggaanka xisbiga UPD loo caleemo saarayaa xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay u gudubto nidaamka axsaabta siyaasadda, iyadoo dhamaadka sanadkan ay ku eg tahay diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda, sanadka soo socda 2019 ayaa la ogolaan doonin in xisbi la diiwaan geliyo, sidaas darteed 20-kii Xildhibaan ayaa laga doonayaa inay Xisbi ka mid noqdaan.

 

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA KULANKII MAANTA EE XISBIGA XASAN SHEIKH :-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*