Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Sergio Ramos Oo Farta Ku Fiiqay Xidiga Uu Arko In Uu Kuguualaysan karo Abaal Marinta FIFA Best.

Sergio Ramos Oo Farta Ku Fiiqay Xidiga Uu Arko In Uu Kuguualaysan karo Abaal Marinta FIFA Best.

Sergio Ramos ayaa sheegay in Luka Modric uu u qalmo kuguulaysiga abaal marinta xidiga ugu wanaagsan adduunka ee FIFA, isaga oo iska indha tiray in Cristiano Ronaldo kuguulaysan karo abaalmarintan.

Kabtanka Madrid ayaa sidoo kale horay ugu digtay CR7 kadib markii uu Modric kuguulaystay abaal marinta xiidiga ugu wanaagsana yurub markaas uu qeexay in uu Modric u qalmay abaal marinta.

Ramos oo ka hadlayay xidiga kuguulaysan kara abaal marinta FIFA Best ayaa sheegay.

“Laga yaabee in ciyaartooyda kale ay leeyihiin suuq gayn badan ama magacyo waa wayn, balse Modric ayaa u qalma in uu kuguulayso abaal marinta.

Modric ayaa kamid ah seddexda musharrax ee isugu soo haray abaal marintan, iyada oo Mohamed Salah uu yahay dooq kale oo kuguulaysan kara abaal marintan lagu qaban London marka lagaaro 24-ka bishan September.

“Waan arki doonna midka guulaysta. Isagu waa saaxiib cajiib ah, waxaana jira ciyaartooy yar kuwaas oo aan kufaano in aan isku koox nahay.”ayuu warkiisa kudaray Ramos oo ka hadlayay Modric.

“Isagu waa xidig wayn. Waa mid kamida dadka aan ku farxi doono hadii uu guulaysto sida aniga oo guulaystay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*