Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Tababaraha Ay Rajada Weyn Ka Qabaan Manchester United Iyo Real Madrid Ee Mauricio Pochettino Oo Mustaqbalkiisa Ka Hadlay & Haddii Uu Ka Farxiyay Kooxahaas.

Tababaraha Ay Rajada Weyn Ka Qabaan Manchester United Iyo Real Madrid Ee Mauricio Pochettino Oo Mustaqbalkiisa Ka Hadlay & Haddii Uu Ka Farxiyay Kooxahaas.

Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino oo ah bar-tilmaameedka kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ayuu kasoo yeedhay hadal ku saabsan mustaqbalkiisa kubadda cagta dhinaca kalena qancin doona kooxahaas.

Mustaqbalka Pochettino ayaa dhammaan xilli ciyaareedkan oo dhan ahaa il ay markasta xani ku hareeraysan tahay iyadoo United iyo Madrid oo caydhiyay tababarayashi xilli ciyaareedka la bilawday ay midkasta dhinaceeda ka doonaysay.

Tababaraha ree Argentina ayaa sheegay hadal qancinaya kooxahaas isaga oo xusay inay macquul tahay inuu 20 sano sii joogo kooxdiisa Spurs haddiiba uu ka badbaado qaabkii loola dhaqmay Arsene Wenger dhammaadkii waayihiisa Arsenal kaddib 22 sano oo uu joogay.

Pochttino oo tix raaca ugu badan ka dhiganaya Wenger ayaa yidhi “Ixtiraam weyn oo balaadhan ayaan u hayaa Arsene Wenger sababtoo ah marka aad ka hadasho 22 sano oo ah xukunka koox sida Arsenal ah oo ay dhammaan sanadahaasi dhaceen wakhtigaa (Wakhtigan casriga ah) Waxaad u baahan tahay inaad aad u wanaagsanaato”

“Anaga ahaan nooma aha ganacsi, Kubadda cagtu waxa ay noo tahay xamaasad, Laakiin marka aad eegto dhammaan waxa uu Wenger siiyay Arsenal iyo inuu ku dhamaysto sidii uu ku dhammaystay, Haa waxa ay ahayd mid gabi ahaanba cadaalad darro ah”

“Waxaan filayaa inuu u qalmo aqoonsi cajiib ah marka loo eego shaqadiisa, Waxaan kaliya rajaynayaa haddii aan maalin helo fursada aan ku weydiin karo inaan weydiiyo ‘Miyay u qalantay in sidaasi la sameeyo’ (Mudo dheer hal koox la maamulo), Ma garanayo waxa uu odhan doono laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan weydiiyo”

“Waxaan ku rajo-weynahay amaba aan doonayaa inaan 20 sano halkan joogo oo aan kaddib go’aansado haddii aan tagayo ama aan xirfadeyda halkan ku dhammaysanayo”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*