Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Thiago Alcantara iyo James Rodriguez Oo Hooggaaminaya liiska Zidane Uu Doonayo inuu Keensado Manchester United Haddii Uu Qabto

Thiago Alcantara iyo James Rodriguez Oo Hooggaaminaya liiska Zidane Uu Doonayo inuu Keensado Manchester United Haddii Uu Qabto

Weli waxaa sio huraya wararka la xiriirinaya Zinedine Zidane shaqada kooxda Manchester United, maadaama uu liiqliiqanayo kursiga Jose Mourinho.

Macallinka reer Portugal ayaa eedeymo badan la kumaya, isagoo kala bar kullamadii uu xilli ciyaareekan Premier League-ga ka ciyaaray qasaaray.

Balse wararka qaar ayaa sheegaya in Zidane uu u heellanyahay shaqada Old Trafford, isagoo sii calaamadeystay liis xiddigo ah.

Mirror ayaa ogaatay in France halyeeygooda uu maanka ku hayo afar ciyaaryahan, kuwaas oo uu doonayo inuu lasoo saxiixdo marka Manchester United uu majaraha u qabto.

Thiago Alcantara ayaa liiska fiidda ka taagan, waxaana kubbad qaabeeyahan qaranka Spain ka tirsan uu soo jiitay Zidane xittaa xilligii uu maamulayay Real Madrid.

Magaca kale ayaa ah James Rodriguez, kaasoo si lama filaan ah liiskan uga soo muuqday, maadaama Zizou uu horay amaah ugu diray kubbad abuuraha kooxda Bayern Munich.

Waxaa sidoo kale afartaan ciyaaryahan ku jiro laacibka Los Blancos khadka dhexe u maamula ee Toni Kroos.

Germany ciyaaryahanka dhaqaajiya ayaa Zidane xiriir wanaagsan la leh, tii oo ay jirto in Red Devils dhowr jeer isku dayday saxiixiisa.

Sida la wada ogyahay, United ayaa dareemeysa baahi dhanka booska weerarka dhexe ah, iyadoo keliya Romelu Lukaku yahay weeraryahanka rasmiga ah ee Theatre Of Dreams ka xamaasha.

Sidaas darteed, Zinedine Zidane waxa uu ku darsaday qorshihiisa gooldhaliyaha kooxda Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani, kaasoo xagaagan lala xiriiriyay inuu ka dhaqaaqi karo caasimadda France.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*