Home » WARARKA SOMALIA » TOP NEWS :- Al Shabaabka Somalia Oo Caawa Sheegtay Qaraxyadii Uu Prof Yaxye Sheekh Caamir Ka Badbaaday Ee Ka Dhacay Muqdisho (Xogo Ay Bixiyeen)

TOP NEWS :- Al Shabaabka Somalia Oo Caawa Sheegtay Qaraxyadii Uu Prof Yaxye Sheekh Caamir Ka Badbaaday Ee Ka Dhacay Muqdisho (Xogo Ay Bixiyeen)

Ururka Al Shabaab ayaa waxay sheegteen Mas’uuliyada Labo Qarax oo gelinkii dambe Ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo siyaabo kala duwan udhacay.

Inkastoo wax yar ukala dhaxeeyeen Qaraxyada hadana goobo aan kala fogeyn ayey ka dhaceen,waxaana Al Shabaab ay xog ka bixiyeen cidda ay beegsadeen.

Waxay Sheegeen in Ay Qaraxa Koobaad ku dileen Cumar Sheekh Caamir oo katirsanaa Saraakiisha Madaarka Caalamiga ah Ee Adan Cabdulle Cusman Airport Muqdisho.

Waxa marxuumkaasi ay sheegeen Shabaab inay la dhinteen Labo Askari oo ilaalo u aheyd,iyadoo Cumar uu la dhashay Aqoon yahan Yaxye Sheekh Caamir,baabuurka la qarxiyana uu lahaa Prof. Yaxye.

Qaraxa labaad ayey Shabaabku sheegteen in lala Eegtay Sargaal katirsan Booliska Soomaaliya balse uu ka bad baaday dalcada Bakaaraha Dhinaca Isgoyska Dabka ayuuna ka dhacay.

Waxay Shabaabku ku faaneen in Wadada Maka Al Mukarama oo aad loo ilaaliyo in laga celin Karin oo qaraxyo iyo weeraro qorsheysan ay ka fulin karaan sida ay hadalka udhigeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*