Home » WARARKA SOMALIA » TOP NEWS :- Xiisad Dagaal Oo Ka Dhalatay Dil Shalay Loo Geystay Darawal Mooto Bajaaj Oo Ka Taagan Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.

TOP NEWS :- Xiisad Dagaal Oo Ka Dhalatay Dil Shalay Loo Geystay Darawal Mooto Bajaaj Oo Ka Taagan Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.

Wararka Dheeraad ah Oo Naga Soo Gaaraya Magaalada B/weyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan Ayaa Waxay Sheegayaan in Halkaasi ay Ka Taagan tahay Xiisad la Sheegay in ay ka Dhalatay Dil Shalay uu Askari Booliiska ka Tirsan u Geystay Wiil Dhallinyaro ah Oo Kaxeynayey Mooto Bajaaj.

 

Rag Hubeysan Oo la Sheegay in ay Ku Heybyihiin Wiilka Dhintay ayaa Lagu Soo Waramayaa in ay Xireen Waddooyinka Magaalada B/weyne iyaga Oo Ku Hanjabay in Xoog Ku Geli Doonaan Saldhigga uu Ku Xiran yahay Askariga Wax Dilay.

 

Waxaa Socda Dedaal Badan oo ay Wadaan Maamulka Gobolka Hiiraan Heer Degmo iyo Heer Gobol, iyadoo Sidoo kalena La isugu Yeeray Waxgaradka Labada Dhinac Si Is Af Garad Looga Gaaro Arintan Ka Taagan Ee U Dhaxeyso Labada Qabiil.

 

Qof Ka Mid ah Dadka Deegaanka Oo La Hadlay Shabakada Wararka Ee Raaso24.com Ayaa Sheegay Inaanu  jirin Wax Gaadiid Dadweyne ah Oo Dhexmaraya Gudaha Magaalada B/weyne iyadoo Dhanka Kalena uu yar yahay Dhaq-Dhaqaaqa Ganacsi Cabdi Laga Qabo Inuu Dagaal Dhex Maro Labada Ciidan Ee Qaab Qabiilka U Abaabulan Oo Dhanka Cida Wiilka Laga Dilay Iyo Cida Askariga Wax Dilay.

 

Warkaan Iyo Warar Kale Oo Badan Wixii Ku Soo Kordha Kala Soco Wararkeena Dambe.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*