Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Tottenham Oo Guuldaradii Ugu Horaysay Baday Chelsea, Spurs Oo Kaalinta Labaad Ka Riixatay Blues Iyo Waji Gabixii Sarri Ka Soo Gaadhay Wembley Stadium.

Tottenham Oo Guuldaradii Ugu Horaysay Baday Chelsea, Spurs Oo Kaalinta Labaad Ka Riixatay Blues Iyo Waji Gabixii Sarri Ka Soo Gaadhay Wembley Stadium.

Kooxda Tottenham ayaa guuldaro xanuun badan dhabarka u soo saartay kooxda ay London ku xifiltamaan ee Chelsea. Tottenham ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan guuldaradii ugu horaysay baday Chelsea laakiin qaabka ay Blues guuldaradan u baday ayaa ah mid walwal xoogan ku keenaysa Sarri iyo jamaahiirta Blues.

Harry Kane, Delle Alli iyo Son Heung-min ayaa Chelsea burburiyay iyaga oo min hal gool dhaliyay balse fursado badan oo cadaan ah ku hor lumiyay goolka Blues waxayna guuldarada soo gaadhay Chelsea sabab u noqotay in Tottenham ay kaalinta saddexaad ee Premier league soo gashay.

Tottenham ayaa isla heshay guul ay ka gaadhay koox ay la xifiltanto iyo waliba in ay booskeedii kaalinta saddexaad ay kal baxday waana arin farxad khaas ah u abuuraysa jamaahiirta Tottenham.

Shixihii Labada Kooxood Ee Kulankan:

CHELSEA (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, David Luiz, Marcos Alonso; N’Golo Kante, Jorginho, Mateo Kovacic; Willian, Eden Hazard, Alvaro Morata.

Kaydka:Olivier Giroud, Pedro, Andreas Christensen, Davide Zappacosta, Willy Caballero, Cesc Fabregas, Ross Barkley.

TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Serge Aurier, Toby Alderweireld, Juan Foyth, Ben Davies; Eric Dier, Moussa Sissoko; Christian Eriksen, Dele Alli, Son Heung-min; Harry Kane.

Kaydka:  Paulo Gazzaniga, Jan Vertonghen, Lucas Moura, Harry Winks, Fernando Llorente, Kyle Walker-Peters, Erik Lamela.

Qaybtii hore ee ciyaarta Chelsea ayaa waji gabax kula kulantay natiijo ahaan iyo ciyaar ahaanba waxayna ahayd kooxda Tottenham kooxda meel walba oo garoonka ah kaga fiicnayd Chelsea isla markaana soo bandhigtay qaab ciyaareed layaableh.

Tottenham ayaa goolal badan ku shubi kartay shabaqa kooxda Chelsea iyada oo difaaca Chelsea uu qaybtii hore ahaa mid shaano ah isla markaana ay ciyaartoyda Tottenham ay sida ay doonaan uga dhex baxayeen laakiin Spurs ayaa muujisay sababta ay ugu qalantay waxa ay kulankan ka samaysay.

Daqiiqadii 8 aad Tottehan ayaa si buuxda laxanka u saartay heeska maaweelada ahayd ee ay Wembley Stadium uga daartay Chelsea kadib markii uu Dele Alli dhaliyay goolka wadno xanuunka ku noqday Sarri iyo ciyaartoyda kooxdiisa waxaana caawinta goolkan sameeyay Eriksen waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Spurs hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Intaa wixii ka danbeeyay waxay ciyaartu noqotay mid si buuxda loogu kala gacan sareeyay iyada oo Tottenham soo bandhigtay qaab ciyaareedkii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa waxayna dhibaato wayn ku ahayd difaaca iyo goolhaye Kepa oo waliba ceeb badan ka joojinayay Blues.

Daqiiqadii 16 aad Harry Kane ayaa meel ayna waxba ka muuqan ka abuurtay gool qurux badan oo uu kaga yaabsatay goolhaye Kepa kaas oo ku war helay kubbada shabiqiisa gashay wuxuuna Kane kubbad xoogan ka soo darbeeyay meel ka baxsan xerada ganaaxa kadib markii uu Eriksen caawin kale ka helay laakiin Luiz ayaa Kepa kubbada u qariyay isla markaana kubbada ka leexday.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-0 ay Tottenhak ku gacan sarayso waxayna Chelsea dhawr jeer isku dayday in ay madaxa sare u qaado iyada oo Hazard uu laba jeer ku dhex dhacay xerada ganaaxa isaga oo mar ahaan rekoodhe ku dooday bale aanu garsooruhu waxba ka soo qaadin.

Goolhaye Kepa ayaa sameeyay badbaadin xoogan si uu Tottenham uga beeniyo in ay saddex ama afar gool dhaliso qaybtii hore ee ciyaarta waxaana lagu kala nastay 2-0 ay natiijo ahaan iyo ciyaar ahaanba Spurs uga saraysay kooxdii aan soo guuldaraysan ee Blues.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta, Tottenham ayaa wali ahayd kooxda fursadaha ugu badan abuuraysay inkasta oo Chelsea ay soo laabtay iyada oo isku dayaysay in ay ka soo kabsato labada gool ee qaybtii hore looga dhaliyay.

Daqiiqadii 54 aad Waqtigii Waalida!! Son Heung-Min ayaa qaab aan la rumaysan karin iskaga dhex maray ciyaartoyda Chelsea gaar ahaan inii cidlo kaga soo tagay Joginho iyo David Luiz ka hor intii aanu Rudiger iyo Kepa u diidin in ay wax badbaadin ah sameeyaan.

Son Heung-Min ayaa sida uu doonayo u dhex maray Chelsea wuxuuna dhaliyay mid ka mid ah goolasha xili ciyaareedkan ugu quruxda badan isaga oo ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Tottenham ciyaarta ugu raaxaysanayso.

Daqiiqadii 58 aad Sarri ayaa laba isbadal shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna saaray Kovačić iyo Alvaro Morata  oo kulankan si xun ugu fashilmay waxaana ciyaarta soo galay Ross Bakley iyo Pedro Rodriguez si ay iskugu dayaan in ay xaalada badalaan.

Daqiiqadii 68aad Siduu u qasaariyay? Harry Kane ayaa kubbad cajiib ah goolka Chelsea hortiisa kaga helay Sissoko laakiin si lama filaan ah waxa uu kubbada u diray cirka isaga oo qasaariyay fursad goolka afraad loo fishay.

Daqiiqadii 76 aad Sarri ayaa kaydka ka soo kiciyay Giroud wuxuuna saaray Willian laakiin Spurs ayaa badalkeedii ugu horeeyay ka dhigatay Lamela oo ciyaarta soo galay iyo Son Heung-Min oo la saaray si uu sacab iyo soo dhawayn layaableh uga helo jamaahiirta kooxdiisa Spurs.

Daqiiqadii 84 aad Olivier Giroud ayaa ugu danbayn Chelsea u keenay goolkeeda furitaanka ee waqtiga dheer ay jamaahiirta Blues sugaysay wuxuuna Olivier Giroud kubbad qurux badan oo uu ka helay  César Azpilicueta  uu si xoogan ugu darbeeyay madaxa si uu ciyaarta uga dhigo 3-1 ay wali Spurs laba gool oo dheeraad ah ay haysato.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Tottenham guuldaradii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan gadhka u soo galisay Cheslea waxayna Spurs soo gashay kaalinta saddexaad iyada oo iska garbisay Blues.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*