Home » WARARKA SOMALIA » WAR WADA SOO DHACAY :- Labo ka Mid ah Ergadii Doorashada Xildhibaanada Baarlamanka Somalia Oo Lagu Diley Afgooye Iyo Arimo Xasaasi ah.

WAR WADA SOO DHACAY :- Labo ka Mid ah Ergadii Doorashada Xildhibaanada Baarlamanka Somalia Oo Lagu Diley Afgooye Iyo Arimo Xasaasi ah.

Labo ka mid ah ergadii doorashada xildhibaanada qaranka oo mid ka mid ah ahayd dumar ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu diley magaalada Afgooye ee gobolka Shabelaha Hoose.

Koox ku hubeysan bastoolad ayaa la sheegay inay ku dhex dileen labadan ruux guri ay ka degenaayeen magaalada Afgooye iyadoo magacyadooda lagu kala sheegay Xasan Cali iyo Aamino Mayow.

Dilalka loo geysto dadkii soo doortay xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hore ugaga dhacay magaalada Afgooye iyo magaalooyin kale oo dalka ka tirsan.

Dadkii ka dambeeyay dilka labadan ruux oo caan ka ahaa magaalada Afgooye ayaa baxsaday iyadoo ciidamada Booliska magaalada Afgooyana ay sheegeen inay baaritaan ku sameynayaan dadkii ka dambeeyay dilkan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*