Home » ARIMAHA BULSHADA » WARBIXIN XIISO LEH :- Dowlada Somalia Ma Ku Ceebaysan Tahay in Baraha Bulshada ay ka Shidaal Qaadato, Amaradana Ka Bixiso Ama Afhayeen u ah…!!!!

WARBIXIN XIISO LEH :- Dowlada Somalia Ma Ku Ceebaysan Tahay in Baraha Bulshada ay ka Shidaal Qaadato, Amaradana Ka Bixiso Ama Afhayeen u ah…!!!!

In badan waxay kooxaha mucaaradka ku ah dowladda hadda jirta iyo madaxda maamul goboleeyadu dowladda ku eedeeyeen inay xoogga saartay baraha bulshada. Taageerayaasha badan ee dowladdu ku leedahay baraha bulshada ayaa lagu tilmaamay kuwo lagu bixiyay lacag badan. Waxaa eedaha lagu daray in shacabki Soomaaliyeedba ay kasoo qaadday inta ooga sacab tunto Faysbuugga. Haddaba eeddaasu ma saxbaa dowladduse ma ku saxantahay inay ku tiirsanaato baraha bulshada si ay u ogaato rabitaanka shacabka?

Waxaa qabaa inay sax tahay arrintaas. Bulsho walba oo dal ku nool waxay ka koobantahay saddex un. Koox siyaasadda ku jirta ama talo ha hayso ama mucaarad ha noqoto. Koox ree balad ah oo ku xiran idaacadaha lana socoto waxa dalka ka socdo sidaas darteedna wixii soo kordha wax ka yiraahda iyagoo isticmaalayo kannaalo kala duwan sida wargaysyada iyo baraha bulshada. Kooxda seddexaad waa dadka meesha uu u badan yahay. Waa shacab weynaha aan waxba ka ogayn waxa socda. Waxaa dhici karto ianysanba kala jeclayn cidda talada dalka hayso, waxaa dhici karta inaysan war u ahayn waxa dalka ka socda oo aysan marin (access) u haysan warbaahinta iyo baraha bulshada sida dadka miyiga iyo tuullyinka fog fog ku nool.

Dowlad walba oo jirta iyo mucaaradka doonayo inuu talada kala wareego wuxuu xoogga saaraa hanashada aragtida dadka u dhuun daloola waxa dalka ka socda. Dadkaas oo ku teegeera waa tubta lagu gaaro kursiga dalka ugu sarreeyo. Haddii aad talada hayso waa dadka aragtidooda aad ku qiimayn karto in la rabo iyo in la nacay maamulkaada.

Waddamada dadka codkiisa madaxda lagu noqda, baraha bulshada ayay dadaal badan iyo qarashba ku bixiyaan dadka tartanka ugu jira hoggaanka dalka iyo kuwa talada hayaba. Tusaale sanadki hore doorashadi ka dhacday dalka Ingiriiska xisbiga shaqaalaha oo tartarnka ku jiray wuxuu ku bixiyay faysbuugga hal miyal oo gini (qiyaasti hal milyan iyo labo boqol oo kun oo doolar). Sidoo kale xisbiga talada hayay ayaa isna caddad intaas ka badan ku bixiyay faysbuugga si uu dadka ooga gado siyaasaddiisa dibna loogu doorto.

Waddamada aysan cidna u baahnayn codka shacabka naftoodu kama maarmaan idaacadaha iyo baraha bulshada. Dalalka Carabta ayaa lacag aan xisaab lahayn ku bixiyo baraha bulshada si ay sawir qurxan ooga bixiyaan maamulladooda shacabkooda iyo bulshooyin kalana u indha sarcaadiyaan. Tusaale, dowladda Sacuudiga ayaa malaayiin doolar siisay shirkado xayaysiin oo fadhigoodu yahay Ingirriska si ay indhaha shacabka caalamka ooga jeediyaan ceebta kasoo gaartay dilkii wariye Jamaal Khashooki sida uu qoray wargayska The Guradian. Warbixintaas waxaa lagu sheegay in hal muuqaal oo soconayo 15 daqiiqo kasoo lagu soo xayaysiinayay dalxiiska Sacuudi Carabiya uu soo jiitay malaayiin dad ah waqti yar gudahiis.

Dunida casriga ah, baraha bulshadu waa meesha ugu dhaqsaha badan ee dadka warka lagu gaarsiiyo. Tusaale qarixii ka dhacay magaalada Boston ee dalka Maraykanka, dhowr ilbiriqsi un ka dib marki uu dhacay waxaa lagu faafiyay Tiwiterka. Idaacaddii ugu hooraysay waxay isla warkaas baahisay 15 daqiiqo ka dib markuu dhacay. Waqtiga ay idaacaduhu billaabeen baahinta warkaas, malaayiin qof oo ku nool dunida dacalladeeda ayaa mar hore kala socotay baraha bulshada. Arrintaan waxay keentay in idaacaadaha dunida ugu afka dheer, inta aysan warka ay helaan kasoo dayn taleefishinnada iyo raadiyayaasha hawada ku jiro ay kusoo qoraan baraha bulshada sida tiwiterka iyo faysbuugga.

Dalkeennu miyuu dunida kale ka duwan yahay?

Waxaa aaminsanahay inuusan ka duwanayn balse uu ka mid yahay dalalka ugu mudan isticmaalka baraha bulshada marki la doonayo sara u qaadidda sumcadda dalka iyo soo jiidasahada shacabka. Waayo dadka soomaaliyeed waa dad soo jeeda si aad ahna ugu xiran idaacadaha iyo baraha bulshada. waa xaqiiq in dadka intiisa badan uusan marin u lahayn internetka, laakiin kuwaas maahan yoolka loo socdo. Yoolka waa dadka eegayo dhaqdhaqayada dowlada iyo dhinaca ay u socoto siyaasaddeeda. Dadkaasu waa dadka ku xiran baraha bulshada.

Sidoo kale, dadka ku xiran baraha bulshada waxay ka turjumayaan rabitaanka ama nacitaanka bulshada guud. Haddii inta badan dadka ku xiran baraha bulshadu ay diidaan arrin waxay ka dhigan tahay in bulshadu arrinkaas kasoo horjeeddo sidaa darteed in la tixgaliyo xalna loo helo muhiim ayay noqon. Sababta in fahmo maahan mid u baahan cilmi iyo aqoon durugsan ee mid iska cad. Waayo ma dhici karto in lagu doodo inta faysbuug ku xiran waa dad gooni ama hal faker aaminsan ama hal beel ah ama hal deegaan kasoo jeedda. Maadaama, dadkaan yihiin dad kala da’ ah, kala deegaan ah, kala aqoon ah, kala aragti ah waxay si buuxdo u matalaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Maxay mucaaradku arrintaas ceeb ooga dhigayaan?

Mucaaradku waa labo. Kooxda kurisga doonayso sida C C Shakuur iyo Fiqhi iyo kuwa la mid ah. Kooxdaan eedayntaasu waxay ka tahay weerer iska caadi oo lagu yaqaan mucaaradka waana mid lagu tilmaami karo labo wajiilaynta siyaasiyiinta dunida, waayo iyaga ayaaba dowladda ooga badan inay baraha bulshada taageero ka raadiyaan ama aragtidooda kula wadaagaan bulshada guud. Uma arko inay ku khaldan yihiin isticmaalka weerarka noocaan ah waayo meel walbaoo ay u arkaan inay kaga guulaysan karaan dadka talada hayo inay gacanta galiyaan waa lagu yaqaan mucaraad oo dhan, khaladna maahan hadduusan hagardaamo dalka wax u dhimayso la socon.

Kooxda laabaad waa madaxda maamul goboleedyada. Kooxdaan waxay u badan yihiin odayaal siyaasadda aan tacliin usoo marin. Sidoo kale, sida waayeelka kale ee dunida ku nool, waxaa ku adag isticmaalka baraha bulshada iy guud ahaan Internetka. Waxay fahmi karaan maahan dagaalka baraha bulshada iyo sida ay u sahlan tahay in lagu hanto aragtida dad weynaha. Ma fahmi karaan saamaynta ay leeyihiin farriimaha ay dowladdu marinayso faysbuugga. Ma fahmi karaan khalgiga tiro dhaafay dadka Faysbuugga ka taageero dowladda iyo sida hadba dhinac loogu jiheeyo.

Waxayba fahmi la’yihiin waxa dowladdu muhiimmada u siinayso baraha bulshada oo ay iyaga ula hadli la’dahay. Waxaanba u muuqan in yoolka xukuumaddu yahay hanashada shacabka taageersan madaxda maamul goboleedyada. Waxaysaba ogayn in farriimaha la marinayo baraha bulshada ay ka xoog badan yihiin in iyaga lala kulmo ama la qanciyo. Dhowrka wasiir ee ree magaalka ah ee ku jira maamul gobaleedyadu waa ay yaqaannaan muhiimmada baraha bulshada waqti badan ayayna galiyaan diridda farrimaha ay rabaan inay bulshada gaaraan.

War iyo dhammaantii dowladdu kuma khaldana inay ka shidaal qaadato baraha bulshada. Waxaa sax ah inay qiimayso rabitaanka shacabka iyadoo ku tiirsan baraha bulshada iyo meelaha uu dad weynuhu kusuoo bandhigo aragtidiisa. Taasi kama dhigna inaysan qancin shaqsiyaadka wax tabayanaya ee meelaha haysto magaca uu rabo ha watee. Waxaa muhiim ah inay labadaba isku garab wato si loo gaaro waxa u roon dalka iyo dadka.

W/Q: Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*