Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Wargeyska Mundo Deportivo Oo Kashifay Tababaraha Ugu Cad-Cad Shaqada Real Madrid Hadii La Ceyriyo Julen Lopetegui.

Wargeyska Mundo Deportivo Oo Kashifay Tababaraha Ugu Cad-Cad Shaqada Real Madrid Hadii La Ceyriyo Julen Lopetegui.

Wargeyska Mundo Deportivo ee laga leeyahay gobolka Catalonia ayaa durba bilaabay buun-buuninta wararka la xiriira in shaqada laga ceyrin doono Julen Lopetegui kaas oo kaliya 4-bilood ku sugan Estadio Santiago Bernabeu.

Macalinkaan wuxuu kooxda u hogaamiyay ineysan 4-kulan wax gool ah dhalin, guulna gaarin waana sababta cadaadiska badan uu u saaran yahay isla markaana shakiga loo galinayo mustaqbalkiisa ku aadan sii joogista kooxda.

Mundo Deportivo ayaa aaminsan in Antonio Conte uu yahay macalinka dooqa koowaad ee Real Madrid maadaama warar xan ah ay sheegeen bilowgii fasalkaan in Perez uu la xiriiray Conte intaan laga ceyrin shaqada kooxda Chelsea.

Antonio Conte saddex horyaal oo xiriir ah ayuu la qaaday Juventus, sidoo kale horyaal iyo FA Cup ayuu u hogaamiyay Chelsea labadii sano uu joogay, waxaana usii dheer inuu quarter final-ka tartanka Euro2016 geeyay Italy ka hor inta aysan qasaaro rigooreyaal ah kala kulmin Germany.

Antonio Conte waa macalinka kaliya ee la heli karo waqtigaan laguna aaminikaro shaqo sidaas u weyn, maadaama Zinedine Zidane uu dhawaan iska casilay xilka kooxda boqortooyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*