Home » CAYAARAHA CAALAMKA » WARKII UGU YAABKA BADNAA :- Wargeyska Caanka Ah Ee Tuttosport Oo Kashifay Kooxda Uu Xiddiga Man United Ee Paul Pogba Doortay Inuu Ku Biiro, Barcelona Mise Juventus?

WARKII UGU YAABKA BADNAA :- Wargeyska Caanka Ah Ee Tuttosport Oo Kashifay Kooxda Uu Xiddiga Man United Ee Paul Pogba Doortay Inuu Ku Biiro, Barcelona Mise Juventus?

Wargeyska caanka ah ee Tuttosport oo ah mid xog ogaal u ah siro badan oo kubadda cagta ah ayaa markan dibada soo dhigay go’aanka xiddiga Manchester United ee Paul Pogba uu ka qaatay mustaqbalkiisa iyo kooxda xigta ee uu qorsheynayo inuu ku biiro.

Paul Pogba ayaa xidhiidh aan wacnayn la leh tababaraha kooxdiisa ee Jose Mourinho taas ayaana ah sababta ugu weyn ee loola xidhiidhinayo bixitaan, Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa kamid ah magacyada ugu waaweyn ee baadigoobka ugu jira saxeexa xiddigan.

Haddaba, Sida uu ku warramayo wargeyska Tuttosport, Paul Pogba ayaa go’aan ku gaadhay ku laabashada kooxdiisii hore ee Juve halkii uu kaga biiri lahaa kooxda Barcelona oo suuqii xagaaga dhawr jeer isku day-day saxeexiisa.

Paul ayaa doonaya inuu ku laabto kooxdii uu ku samaystay magaca uu dunida maanta ku leeyahay ee Old Lady oo uu kusoo qaatay afar sano oo dahabi ah kaddib markii uu la qaaday koobabka kala ah Afar Horyaal, Laba Coppa Itallia iyo Laba Italian Super Cup.

Paul iyo wakiilkiisa Mino Raiola ayaa la filayaa inay dhawaan go’aan ka qaataan mustaqbalka xiddiga ree France suuqyada soo dhaw dhaw waxaana si dhakhso ah loo ogaan doonaa kooxda uu ku biiri doono haddii uu go’aansado inuu iskaga baxo Old Trafford mar labaad.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*