Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Waxaan La Hadlay Guardiola Iyo PSG, Waxaanan Doortay Barcelona – De Jong Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Qaabkii Ay Barcelona U Qancisay Iyo Wada-hadalladii Uu Kula Jiray Kooxaha Kale

Waxaan La Hadlay Guardiola Iyo PSG, Waxaanan Doortay Barcelona – De Jong Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Qaabkii Ay Barcelona U Qancisay Iyo Wada-hadalladii Uu Kula Jiray Kooxaha Kale

Ka hor intii aanay Barcelona ku dhawaaqin heshiiskiisa, waxa  jiray kooxo kale oo wada-hadallo kula jiray, isla markaana ay u muuqatay rajo ah inay nasiib u yeelan doonaan heshiiskiisa oo uu kusoo biiri doono xagaaga soo socda, hase yeeshee taasi ma hirgelin.

Manchester City ayaa si gaar ah xidhiidh ula samaysay kubbad sameeyaha reer Netherlands ee Frenkie de Jong, waxaanay wada-hadallo aan midho dhalin yeesheen tababare Pep Guardiola oo si shaqsi ah ula xidhiidhay isagoo doonayey inuu ku qanciyo inuu kusoo biiro kooxda haysata horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League. Waxa kale oo loollanka ku jirtay PSG oo wakiilladeedu xidhiidh la sameeyeen, kulamona dhex mareen.

Intaas oo dhan oo dhacday, waxa Frenkie de Jong qanciyey mashruucii ay soo hordhigtay Barcelona, taas oo uu qalinka u qaatay heshiis shan sannadood ah oo uu badhtamaha sannadkan ugu wareegi doono kooxda reer Catalonia.

Frenkie de Jong oo waraysi siiyey warbaaahinta NOS ayaa waxa uu si faahfaahsan uga hadlay kooxihii uu la kulmay ka hor intii aanu Barcelona ka mid noqonin iyo sidii uu u qaatay go’aankii ugu dambeeyey.

“Waxaan la hadlay Paris Saint-Germain iyo sidoo kale Guardiola oo igala hadlay heshiis aan u saxeexo Manchester City. Qof walba wuxuu doonayaa inuu ku qanciyo, laakiin anigu waxaan ku faraxsanahay, ku hanweynahay oo aan doonayey, go’aana ku gaaadhay inaan u saxeexo Barcelona.” Sidaas ayuu yidhi Frenkie de Jong oo u warramayey warbaahinta NOS.

 

De Jong waxa uu tilmaamay inuu la dhacay qaab ciyaareedka Barcelona, si gaar ahna uu u daawan jiray ciyaaraheeda markii uu Guardiola ka ahaa macallinka, waxaanu yidhi: “Waxaan daawan jiray Barcelona markii aan yaraa, markii aan yara kacaammay ee aan ciyaaraha soo dhexgalay, waxa aan la socday cahdigii Guardiola iyo dhamaan guulihii ay gaadheen. Taas ayaa iga dhigtay taageere weyn.”

Xiddigan 21 jirka ah, waxa kale oo uu tilmaamay inuu taageeri jiray Lionel Messi, haddana qorshaha Barcelona uu u tegayaa aanu ahayn dalxiis iyo inuu soo daawado Messi, laakiin ay ka horreyso shaqo badan.

Ugu dambayn Frenkie de Jong waxa uu ka hadlay lacagta badan ee Barcelona ay kusoo iibsatay oo ka dhigtay laacibkii ugu qaalisanaa ee u dhashay waddanka Netherlands ama Holland, isaga oo ka sare maray Virgil van Dijk oo Liverpool ay 84 milyan oo Euro ku iibsatay, halka Barcelona ay isagana ka bixisay 75 milyan oo Euro oo qaddin ah iyo 11 milyan oo Euro oo kale oo ku xidhan guulaha uu la gaadho kooxda reer Catalonia, taas oo ugu dambayn ka dhigi doonta lacagta lagu iibsaday 86 milyan oo Euro.

“Lacagta badan aniga ima saamaynayso. Way fiican tahay inaad ahaato ciyaartoygii Dutch-ka ahaa ee ugu qaalisanaa taariikhda, waxay u wanaagsan tahay wakiilkayga iyo Ajax, laakiin aniga ima dhibayso haddii laygu iibsado shan milyan, 150 ama 200.” Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*