Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Xataa Haddii Aanad Taaban Dhulka Ayuu Isku Tuuri Doonaa – Falanqeeye Dhulka La Galay Mohamed Salah Kaddib Rigoorayaal Muran Dhaliyay Oo Dhawaanahan Lagu Galayay.

Xataa Haddii Aanad Taaban Dhulka Ayuu Isku Tuuri Doonaa – Falanqeeye Dhulka La Galay Mohamed Salah Kaddib Rigoorayaal Muran Dhaliyay Oo Dhawaanahan Lagu Galayay.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ahaa mid kulamadii ugu dambeeyay lagu abaalmarinayay rigoorayaal uu isagu inta badan sababayay isla markaana uu gool u bedelayay waxaana aan arrintaas ku qancin Warren Aspinall oo haatan falanqeeye ka ah BBC Sport.

Kooxaha kasoo hor-jeeda Liverpool ayaa lagula taliyay in aysan u dhawaan Salah marka uu ku jiro xerada ganaaxa  maadaama oo uu dhulka ku dhici doona taabasho kasta oo lagu sameeyo.

Qaabka uu rigoorayasha ku keensanayay Salah ayuu si xoogan u dhaliilay Aspinall isaga oo Salah la bar-bardhigay xiddiga kale ee ay Liverpool kawada tirsan yihiin ee Sadio Mane oo uu ku sifeeyay mid adag marka uu diilinta ganaaxa ku dhex jiro.

Xiddigii hore ee Brighton, Everton iyo Portsmouth ayaa yidhi “Haddii aad Salah ku taabato xerada ganaaxa dhexdeeda, Waad ogtahay waxa dhacaya, Xataa haddii aanad taaban dhulka ayuu isku tuuri doonaa”

“Mane waa mid waxyar ka duwan, Waxa uu ku taagnaan doonaa lugihiisa inta ugu badan ee uu awoodo, Waa mid goolku u cad yahay marka uu garoonka ku jiro, Waxa uu doonayaa inuu helo dariiq uu kubadda ku laago, laakiin Salah dhulka ayuu gali doonaa inta ugu yar ee ugu macquulsan ee aad taabato”

Salah iyo Mane ayaa isku bedelay kuwo cajiib ah iyaga oo kamid noqday kuwa ugu fiican Yurub marka laga yimaado inay kor u qaadeen Reds oo ah hoggaamiyayasha Premier League iyo kooxdii Final-ka Champions League gaadhay xilli ciyaareedkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*