Home » CAYAARAHA CAALAMKA » Xiddig Ka Tirsan Kooxda Manchester United Balse Aan Kalsooni Buuxda Ka Haysan Jamaahiirta Kooxdiisa Oo Si Lama Filaan Ah U Noqday Xiddiga Afraad Ee Ugu Mushahaarka Badan Red Devils.

Xiddig Ka Tirsan Kooxda Manchester United Balse Aan Kalsooni Buuxda Ka Haysan Jamaahiirta Kooxdiisa Oo Si Lama Filaan Ah U Noqday Xiddiga Afraad Ee Ugu Mushahaarka Badan Red Devils.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Belgium ee Marouane Fellaini ayaa walow uusan wada haysan kalsoonida jamaahiirta kooxdiisa United haddana waxa uu si layaab leh ku noqday xiddiga afraad ee ugu mushahaarka badan kooxda.

Kaddib markii ay Man United ku dhawaatay inay xiddigan qaab xor ah ku weydo suuqii xagaaga ayay si deg deg ah uga saxeexatay heshiis cusub oo laba sano ah kaas oo Old Trafford kusii hayn doona ilaa sanadka 2020.

Marouane Fellaini

Fellaini ayaa sanadkii 2013 Man United kaga soo biiray dhinaca kooxda Everton balse waxa uu si weyn ugu dhibtooday sidii uu mudadaas ku qancin lahaa jamaahiirta kooxdiisa inkasta oo uu haysto taageerada iyo kalsoonida tababaraha kooxdiisa ee Jose Mourinho.

Horraantii sanadkan ayay ahayd markii Mourinho oo soo bandhigaya sida uu Fellaini muhiim ugu yahay kooxdiisa uu u sheegay kooxihii doonayay saxeexiisa inay u fududahay inay isaga la saxeexdaan halkii ay Fellini kala saxeexan lahaayeen.

Mushahaarka cusub ee 30 jirkii hore ee Toffees ayaa ah £150,000- toddobaadkii isaga oo laga soo dalacsiiyay £80,000 oo uu markii hore mushahaar ahaan kooxda uga qaadan jiray.

Fellaini ayaa haatan darajada afraad ka jooga miiska kala sarreynta mushahaarka xiddigaha Manchester isaga oo kaliya ka hooseeya xiddigaha kala ah Alexis Sanchez, Paul Pogba iyo Romelu Lukaku.

Sidoo kale goolhayah ree Spain muhiimada weyna u leh Red Devils ee David De Gea ayaa toddobaadkii xoogsada  £200,000- balse waxa uu ka hooseeyaa mushahaarka Fellaini marka laga jaro lacagaha canshuur ahaan looga qaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*