Home » CAYAARAHA CAALAMKA » XOG: Liverpool Mise Man City? Midkee Ku Guulaysan Doona Koobka Premier league? Labadee Kooxood Ayaa Afarta Sare Seegi Doona Ee Kooxaha Man Unitd, Chelsea, Arsenal Mise Tottenham? Akhriso Saadaalo Badan Oo La Bixiyay.

XOG: Liverpool Mise Man City? Midkee Ku Guulaysan Doona Koobka Premier league? Labadee Kooxood Ayaa Afarta Sare Seegi Doona Ee Kooxaha Man Unitd, Chelsea, Arsenal Mise Tottenham? Akhriso Saadaalo Badan Oo La Bixiyay.

Dooda kooxda ku guulaysan doonta koobka Premier league iyo afarta kooxood ee England ku matali doona tartanka UEFA Champions League ayaa wali ah mid taagan oo aan wali si rasmi ah loo ogayn balse waxay hadda u muuqataa in saadaasha Premier league ay ka fududahay sidii ay ahayd bilawgii xili ciyaareedkan.

Iyada oo aan maalmaha soo socda la ciyaari doonin kulamada Premier league isla markaana loo firaaqeeyay kulamada maxaliga ah ee tartamada kale waxay sagaal khabiir oo ka mid ah wargayska Daily Mirror iskaga hor yimaadeen dood lagu saadaalinayo kooxda koobka Premier league ku guulaysan doonta.

Waxay sidoo kale khabiiradani ka doodeen afarta kooxood ee ee xili ciyaareedka soo socda England ku matali doona koobka UEFA Champions League. Waxayna u muuqdeen in hal arin inta badan iskaga mid yihiin balse ay waxyaabo gaar ah ku kala duwan yihiin.

Waxaa la ciyaaray 23 kulan oo Premier league ah waxaana baaqi ah 15 kulan taas oo la micno ah in shaqo badani ay u hadhay koox kasta oo doonaysa in ay koobka Premier league ku guulaysato iyo waliba koox kasta oo rajaynaysa in ay afarta sare ee Premier League ku dhamaysato.

Haddii saadaasha koobka Premier league ay bilawgii xili ciyaareedkan u dhexaysay lixda kooxood ee kala ah Manchester City, Liverpool, Manchester United, Arsenal, Chelsea iyo Tottenham, hadda doodu waxay ku kooban tahay midka Liverpool iyo Man City koobkan ku guulaysan doonta.

Laakiin waxaa hadda aad u adag in la saadaalin karo afarta kooxood ee kaalmaha sare ku dhamaysan doona gaar ahaan in kooxaha Tottenham, Chelsea, Arsenal iyo Man United ay si xoogan ugu dagaalamayaan min kaalinta saddexaad ee ilaa afraad iyada oo laba ka mid ah kooxaha waa wayni ay seegi doonaa afarta sare.

Liverpool ayaa ilaa hadda hogaanka Premier League ku haysa 60 dhibcood waxaana ku soo xiga Man City oo 56 dhibcood haysata waxayna ilaa hadda u muuqataa in koobka Premier league uu dhex yaalo City iyo Liverpool.

Haddaba waxaanu halkan si buuxda idiinku soo gudbinaynaa dooda dhex martay sagaalka khabiir ee Daily Mirror ka tirsan iyo qaabka ay u saadaaliyeen kooxda koobka Premier league ku guulaysan doonta iyo min afarta kooxood ee Champions League u soo bixi doona.

Todoba khabiir oo ka mid ah sagaalka khabiir ee wargayska Daily Mirror ee doodan ka qayb galay ayaa saadaaliyay in kooxda Liverpool ay koobka Premier league ku guulaysan doonta halka labada kale ay Manchester City u saadaaliyeen koobka Premier league balse kooxaha kaalinta afraad seegaya ayaa lagu kala tagay.

Halkan kaga boggo qaabkii ay saadaasha khabiirada Dailay Mirror u dhacday iyada oo dhamaadka warbixintan aanu markiiba idiin dhaafi doono in aad fikradiina ka dhiibataan.

Saadasha Premier League James Nursey

Aan ku bilawnee khabiirka Dialy Mirror ee James Nursey ayaa saadaaliyay in Liverpool ay noqon doonto kooxda dhaamadka xili ciyaareedkan loo caleemo saari doono koobka Premier league wuxuuna saadaaliyay in Manchester City ay kaalinta labaad ku dhamaysan doonto.

Laakiin Nursey ayaa saadaaliyay in Tottenham ay booskeeda kaalinta saddexaad xejisan doonto inkasta oo ay weerarkii kooxdooda oo dhami dhaawacyo iyo sababo kale ku maqan yihiin wuxuuna kaalinta afraad u saadaaliyay Man United.

James Nursey ayaa saadaaliyay in kooxaha Chelsea iyo Arsenal ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidha seegi doonaa afarta sare iyo u soo bixi taanka UEFA Champions League. halkan kaga boga saadaasah James Nursey.

1. Liverpool

2. Man City

3. Tottenham

4. Manchester United

Saadasha Premier League Mike Walters

Inta badan Mike Walters ayaa saadaashiisa kala mid ah khabiirka ka horeeyay wuxuuna isna saadaaliyay in Liverpool ay ku guulaysan doonto koobka Premier league isla markaana ay Manchester City kaalinteeda labaad ku fadhiyi doonto halka Tottenham uu siiyay isla kaalinta saddexaad ee ay haddaba ku jirto balse Arsenal ayuu u saadaaliyay kaalinta afraad isaga oo Man United iyo Chelsea u arka in ay Champions League seegi doonaan.

1. Liverpool

2. Manchester City

3. Tottenham

4. Arsenal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*